Madaxa Xukuumada Galmudug oo ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Dagaalamayaasha Al-Shabaab

shaakir

Sheekh Axmed Shaakir Cali Xasan  oo horey u ahaa Madaxweynaha gobalada dhexe ee Ahlusuna hadana ah Madaxa Xukuumada galmudug oo saxaafada la hadlay ayaa waxaa uu ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Dagaalamayaasha Al-Shabaab eek u sugan goba;ada dhexe ee dalka.

Sidoo kale Shaakir ayaa waxaa uu tilmaamay in heegan buuxa la geliyay ciidamada Amaanka ee Ahlusuna ee ku biiray galmudug ,islamarkaana ay isku diyaariyeen sidii shabaabka ay ugu saari lahaayeen Degaanada ay ka arimiyaan Gobalada galgaduud iyo Mudug.

Madaxa xukuumada galmudug ayaa maalmahan waxaa uu kulamo ka waday degmooyinka guriceel iyo dhuuso mareeb,isagoona dadka iyo waxgaradka labadaasi degmo uu kala hadlayay sidii loo hormarin lahaa degaanada ay ka arimiyaan maamulka galmudug,kadib markii Ahlusuna ay ku biireen Maamulka Galmudug uu hogaamiyo Axmed Ducaale geelle Xaaf.

Hayeeshee Sheekh Axmed Shaakir ayaan weli warbaahinta u sheegin waqtiga rasmiga ah ay dagaalka la galayaan Al-Shabaabka ku sugan gobalada Dhexe ee dalka.

Mudooyinkii ugu dambeeyay ayay aheyd  markii Degaano ka tirsan gobalada galgaduud iyo mudug  ay ku sii qul-qulayeen dagaalamayaasha ka tirsan Al-Shabaab,kadib markii diyaaradaha mareynka uu sii kordhiyay duqeymaha uu la beegsanayo Shabaabka ka soo hayaamaya Duqeymahaasi

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.