Madaxa Qaraxyada Al-Shabaab oo lagu dilay gobalka Shabeelaha hoose

Alshabab

Sida ay qortay wakaalada wararka Soomaaliyed ee Sonna saraakiisha Ciidamada Dowlada Soomaaliya ee ku sugan gobalka Shabeelaha Hoose ayaa sheegay inay Dileen Madaxa Qaraxyada Gobalka Shabeelaha hoose iyo La taliyaha hogaamiyaha gobalka Shabeelaha Hoose ee ugu magacaaban  Al-Shabaab.

Hogaamiyaashan ayaaa waxaa lagu dilay kadib markii dagaal culus oo ciidamada dowlada soomaaliya iyo Al-Shabaab ku dhexmaray deegaan u dhow Alifow oo hoos yimaada degmadda Afgooye ee Gobolka shabeellaha hoose.

Sidoo kale Saraakiisha Amaanka ayaa Sheegay in ciidamada Danab ay Dileen dagaalamayaal badan oo ka tirsan Al-Shabaab,inkastoo si rasmi ah aysan u xaqiijin saraakiisha Tirada Saxda ah ay ku dileen Dagaalka ka dhacay gobalka Shabeelaha Hoose.

Shalay ayay aheyd markii dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab ay wadadda ugaleen  Ciidamo ka tirsan kuwa gaarka ah ee DANAB waxaana la sheegay in dagaal Xoogan uu ku dhexmaray gobalka shabeelaha hoose.

Mudooyinkii ugu dambeeyay Al-Shabaab ayaa kordhiyay weerarada ay ku qaadayaan Ciidamada ka tirsan Dowlada ee ku sugan degaano ka tirsan gobalka Shabeelaha Hoose,

Hayeeshee Weerarkii Shalay ka dhacay deegaan u dhow Alifow oo hoos yimaada degmadda Afgooye ee Gobolka shabeellaha hoose ayaa ku soo beegmaya Xili Dagaalayaasha Al-Shabaab labo weerar habeeno ka hor ay ka fuliyeen degmada afgooye,kaasi oo ay la bartilmaamaysadeen ciidamada dowlada oo fariisin ku lahaa degmadaasi

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.