DEG DEG+SAWIRRO: Golaha Shacabka oo Ansixiyay Miisaaniyadda Dowlada 2018

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa Kulan ay ku yeesheen Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho waxaa ay ku meelmariyeen Miisaaniyadda Dowladda ee 2018,taas oo Maalmahaan ay dood adag ka lahaayeen Xildhibaanada Golaha Shacabka.

Kulanka Maanta waxaa Shir Guddoominayay Guddoomiye Kuxigeenka Golaha Shacabka C/wali  Ibraahin Sheekh Muudeey ,waxaana kulanka soo xaadiray 164 Mudane,iyadoo 162 ka mid ah ay Ogolaadeen Miisaaniyadda 2018 in ay Ansax tahay,halka mid kamida uu diiday,midna ka aamusay.

Guddoomiye  Kuxigeenka Kowaad ee Golaha Shacabka C/wali  Ibraahin Sheekh Muudeey ayaa ku dhawaaqay in Miisaaniyadda Dowladda ee 2018 ay tahay Ansax oo ay meel-mariyeen Xildhibaanada Golaha Shacabka

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.