Xildhibaano bogaadiyay Xulka kubadda Cagta Hirshabeelle

Xildhibaanada dowladda Soomaaliya ee laga soo doortay degaanada maamulka Hirshabeelle ayaa Magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Xulka Kubadda cagta Hirshabeelle.

Xildhibaanada ayaa bogaadiyay Sanadkaan xulka Ciyaaraha Hirshabeelle, waxaana ay sheegeen in ay siin doonaan Abaalmarino hadii ay koobka soo qaadan.

Waxa ay sheegeen in sanadkii hore ay ku soo aaday xilli ay kala qeybsanaayeen Hiiraan iyo gobolka Shabeelaha Dhexe.
Xulka Kubbada Cagta Hirshabeelle ayaa galabta la cayaari doona Xulka Koonfur Galbeed.

Ciyaaraha maamul goboleedyadda iyo gobolka Banaadir ayaa shalay ka furmay Magaalada Muqdisho, waxaana wada cayaaray Banaadir iyo Jubbaland oo ay guusho ku raacday gobolka Banaadir.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.