Shir looga hadlayay Howlgalka AMISOM oo ka dhacay Addis Ababa

Guddiga Isku-xirka Hawlgallada Milatari ee MOCC iyo Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ayaa Magaalada Addis Ababa ku qabtay Shir looga hadlaayay Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya iyo sidoo kale dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Shirkaan oo ahaa kii 25-aad  waxaa kasoo ka qeyb galay dalalka Burundi, Jabuuti, Itoobiya, Kenya, Nigeria, Uganda,Soomaaliya, . Wakiilo ka socda ururrada Qaramada Midoobay iyo Midowga Yurub.

Kulankaan Waxaa Shir  guddoominayay Guddoomiyaha Nabadgalyada iyo Amniga Midowga Afrika Smail Chergui.
Kulankaan ayaa intii uu socday waxaa si weyn diiradda lagu loogu saaray taageeradda Hay’adda Ammaanka dowladda Soomaaliya iyo Sidii loo xoojin lahaa dagaalka ka dhanka Al-Shabaab.

Dalalka iyo Ururaddii ka qeyb galay Shirka ayaa dhammaantood soo jeediyay in si weyn looga shaqeeyo sidii loo qalabeyn lahaa ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.

Waxaa sidoo kale laga hadlay sidii AMISOM ay kaga bixi laheyd Soomaaliya, islamarkaana Ammaanka Soomaaliya loogu wareejin lahaa ciidamada Soomaaliya.

Shirka looga hadlaayo Ammaanka Soomaaliya ee 4-ta Bishaan ka furmaya Muqdisho ayaa sidoo kale lagu taageeray kulanka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.