Puntland oo diyaarineysa qorshe lagu sugo amaanka Boosaaso.

Maamulka Gobalka Bari ee Puntland iyo Saraakiisha amaanka ee maamulkaasi ayaa ka shiraya sidii xal loogi heli lahaa amaanka magaalada Boosaaso ee xarunta Gobalka Bari ee Puntland oo maalmihii la soo dhaafay ay weeraro ka dhacayeen.
Saraakiisha amaanka iyo mas’uuliyiinta gobalka ayaa la sheegay in ay diyaarinayaan qorshe amaan oo wax looga qabto magaalada Boosaaso oo ay maalmihii la soo dhaafay ku batayn weerarada Al-Shabaab.
“Al-Shabaab ayaa doonaya in ay ku xoogeestaan Boosaaso waxayna ka soo baxayaan dhulka Buuraha ah ee G/Bari, waan in aan joojinaa Shabaabkaas sidoo kalane ka saarnaa Guud ahaan gobalka” sidaas waxaa yari Sarkaal ka mid ah waaxda amniga ee Boosaaso.
Sidoo kale Golaha Puntland ayaa shalay go’aano ka soo saaray amaanka Boosaaso iyo weerarada Al-Shabaab waxayna sheegeyn in ay waajib ku tahay Puntland in ay wax ka qabato xaalada Boosaaso oo sii xumaaneysa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.