Kenya oo sheegtay in ay Burburisay 6 Saldhig oo Shabaab ay leeyihiin

Ciidamada Ammaanka dalka Kenya ayaa shaaca ka qaaday in guud ahaan ay burburiyeen  lix Saldhig oo Al-shabaab ay ku lahaayeen degaanka Lamu ee Sohdinta Soomaaliya u dhow.

Agaasimaha  howlgalka Keynta Boni ee dalka Kenya Joseph Kanyiri  ayaa warbaahinta u sheegay in ay guud ahaan dhulka la simeen Saldhigyaddaasi oo Al-Shabaab ay kasoo qaadi jireen Weeraradda dalka Kenya gaar ahaan gobolka Waqooyi Bari.

Waxaa uu sheegay in Ciidamada Kenya ee saldhigyadaas bur buriyay ay heleen Hub farabadan,Daawo,Cunto iyo agab kale oo laga sameyn karo walxaha qarxa.
Agaasimaha ayaa sidoo kale xaqiijiyay in ay dileen Xubno ka tirsan Al-Shabaab intii ay howlgalkaasi ay waddeen.

Howlgalka ka dhanka Al-Shabaab ee Booni ayaa Sanadkii 2015-tii billowday kaddib markii weerarro dhowr ah ay Al-shabaab ka fuliyeen gudaha Kenya,waxaana dowladda Kenya ay hadda sheegeysaa in howlgalkaas uu gebo gebo ku dhowyahay maaddaama sida ay ku faaneyso laga guuleystay Al-shabaab gudaha Dalka Kenya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.