Wafdi ay hogaaminayaan gudoomiyaasha Baarlamaanada Somaliya iyo jabuuti oo ku wajahan Baladweyne

balad

Wararka ka imaanaya Magaalada Baladweyne ayaa sheegaya inay saacadaha soo aadan lagu wado in magaalada baladweyne uu tago Gudoomiyayaasha Baarlamaanda Somaliya iyo Jabuuti oo maanta tagaya Hiiraan.iyadoona qaban qaabadii ugu dambeysay laga dareemayo magaaladaasi.

Sida la sheegayo socdaalka gudoomiyaha baarlamaanka jabuuti Maxamed Cali Xaamud ayaa waxaa ku wehlinaya gudoomiyaha baarlamaanka soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

Waxaana kla filayaa in gudoomiyaha baarlamaanka jabuuti uu u guur galo sida ay u shaqeeyaan ciidamada jabuuti ee ku sugan degaanada ka tirsan gobalka hiiraan,iyo dhibaatooyinka haysta sahcabka ku nool gobalkaasi.

Ciidamada amaanka ayaa saakay aad u adkeeyay amaanka guud ee magaalada baladweyne ee gobalka hiiraan,iyadoona Diyaar garow xoogan laga dareemayo magaalada baladweyne ee gobalka hiiraan

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.