Xildhibaan Katirsan Xildhibanada Galmudug ayaa Muqdisho Lagu dilay

Alle ha u naxariistii waxaa Goor-dhaw magaalada Muqdisho lagu dilay Xildhibaan Maxamed Cabdi Guuleed oo ka tirsanaa Baarlamaanka Galmudug waxaana la sheegay in dilkiisa ay ka dambeeyeen Ilaalada Xildhibaan ka mid ah Golaha Shacabka Soomaaliya.

Marxuumka la dilay ayaa la sheegay in uu marayay Nawaaxiga Bar Control oo ku taala Sayidka waxaana Gaarigiisa oo ku soo dhawaaday gaariga Xildhibaan Maxamuud Abuukaate oo ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya waxaana la sheegay in ay rasaas ku fureyn Gaariga Marxuumka ilaada Xildhibaan Abuukaate.

Xildhibaan Garaad Yuusuf oo ka tirsan Baarlamaanka Galmudug ayaa ayaa xaqiijiyay Geerirada Xildhibaan Maxamed Abdi Guuleed oo ka mid ahaa Baarlamaanka Galmudug.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.