Ra’iisal Wasaare ku xigeynka Soomaaliya oo Hambalyo u diray Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

guuled

Mahdi Maxamed Guuleed Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya ayaa u hambalyeeyey Madaxweynaha Cusub ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo ku Guuleestay doorashadii dhacday 13-kii Bishaan.
Ra’iisal Wasaare ku xigeynka ayaa sidoo kale Hambalyo u diray Shacabka Somaliland, Xisbiyada, Hay’adaha amniga iyo Murashaxiintii tartanka gashay ee laga guuleestay.
Mahdi Maxamed Guuleed ayaa sheegay in doorashadii Soomaaliland ay Sumcad iyo Sharaf ay usoo jiiday Soomaalland waxa uuna ka dalbaday in ay adkeeyaan Midnimada Maamulkaasi.
Dhinaca Kale Madaxweynaha la doortay ee Muuse Biixi Cabdi ayuu ka dalbaday in sii wado wadahadalkii Soomaaliya iyo Soomaaliland kana shaqeeyo Midnimada Umadda Soomaaliyeed.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.