Gobolka Gedo oo kamid ah gobalada ugu waaweyn dalkeena Somaliya ayaa la daalaa dhacaya xaalado adag oo dhan waliba ah kuwaa oo dadka shacabka ah ee ku nool gobolka ay wajahayaan.
Gobolka oo dhaca koonfur galbeed Soomaaliya, xuduudna laleh wadamada Kenya oo uu kala wadaago Degmooyinka Baladxaawo,Dhamasa,ceelwaaq iyo Degmada Doolow oo iyadu xad laleh dhanka Ethiopia.
Xaalada Amniga.
Dhanka siyaaasada gobolka ayaa ah mid ka duwan deeganada kale si marka loo fiiriyo ,majiraan dagaalo ahliya ama furan oo kadhex dhaca dadka wada dega gobolka ,marka laga soo tago Hardanka siyaasadeed ee dalka oo dhan kajiro una dhexeeyo dawlada iyo qolyaha kasoo horjeeda.
Kama jiraan caqabdah waaweyn ee xaga amni ee gobalada qaar ee dalka kajiro sida isbaarooyinka oo ah ficilo foolxun oo qaamuska dadka degan gobolkaan ay dibada kayihiin wax la xiriira -waxaa aad u fudud in dhamaam degmooyinka iyo deegaanada kala duwan ee gobolka uu koobanyahay aad ukala gooshi kartid adiga oo aanaan dhiibin lacagaha baada ah ee qawlaysatada jidgooyinka dhigta ay ka qaadan dadka ku safraya waddooyinka meelo badan oo dalka kamid ah.
Haddii gaari uu kasoo baxo Baardheero,oo uu kusii socdo Baladxaawo ,madhacyso in aad aragto burcad dadka dhibayso oo gaariga waxa uu toos u galaa saldhiga meesha uu u socdo halkaas oo lagala socdo dhaqdhaqaaqiisa si nidaamka uu qabo caalamiga ah.
Inkastoo shacabka gobolka ay dhibaato xoog leh ku qabaan duqaymo ay diyaarado shisheeyo oo u badan kuwa Kenya ay gaystaan ,oo xoolo iyo dadba ay ku l’e daan.Hadana xaaladaha gobolka aya ah mid dagan inta badan.
Waxbarashada.
Gobolkan oo dad aad u badan ay ku noolyihiin ayaa hadana waxaan isku dhigmin tirada ubadka gaaray d’a da waxbarasho hadana aanan xaadirin goobaha waxbarasho oo ah kuwo tiro iyo ahaanba yar.
Waxbarashada ayaa ah mid aan dhamaystiranayn guud ahaan gobolka kajirto, marka la reebo Dugsiyo hoose dhexe iyo kuwo sare oo degmooyinka qaar ku yaalo.
Degmooyinka ugu waaweyn gobolka kama jiraan dugsiyo sare sida degmada Baladxawo,Luuq,Doolow ,Ceelwaaq Inkastoo degmooyinka Baardheero ,Garbahareey iyo Ceelcade ay leeyihiin hadana baahida jirto ayaa ah mid kaweyn fursadaha la heli karo.
Kaabayaasha dhaqaalaha.
Koritaan dhaqaale ayaa waxa uu imaan kara kadib qotominta tiirar aasaas u ah hormar taaba galo Waxaa tiirarkaa kamid ah kaabayaasha dhaqaalaha oo ah mid kamid ah laf dhabarta deegaan ,maamul ama gobol doonayo hormar in uu gaaro, Oo ay ugu horeeyaan jidadka.
Waxaa gabi ahaanba gobolka abid aanan laga hergalin waddooyin laamiya si lamid ah sida gobalada kale,taa oo sabab ah in dhaqaalaha gobolka uu gaabis ama fadhiid noqdo oo ay saacado badan kugu qaadanayso safar daqiiqado qaadan lahaa, sababtoo aytahay waddooyinka oo an hagaagsanayn ama ahayn kuwo maritaankoodu adagyahay.
Qeybtii koowaad
Lasoco qeybaha danbe
W/Q Shucayb Abdullahi Abdulle
Leave a Reply