Madaxweynayaasha Maamulada Soomaaliya ayaa galabta galinkii danbe waxa ay booqdeen degaanka Goob-Weyn oo dhaca Waqooyiga Magaalada Kismaayo islamarkaana ah goobta uu webiga Jubba biyaha kaga daro bad waynta Hindiya.
Degaanka goobweyn oo qiyaas ahaan ujirta magaalada Kismaayo 13-Km, ayaa ah meel qurxoon oo ku wanaagsan dalxiiska, isla markaana ah meel taarikhiya oo ka midda meelaha dhulka Soomaalida ugu qaalisan uguna quruxda badan.
Madaxweynaha Dowlada Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay in degaanka Goob-weyn uu caan ku yahay beero kuwaas oo lagaga faa’iidaysto biyaha webiga Jubba, dhuldaaqsimeed had iyo jeer Alle ku manaystay dhir cagaaran oo ay xooluhu ku nimcaysteen, kalluunka iyo sidoo kale dalxiiska oo ah goob markasta mashquul ah oo ay soo booqanayaan shacab Soomaaliyeed.
Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa isguna ku tilmaamay in Gob-wayn tahay meel aanay jirin wax lagu masaalo amase lala-meel dhigo qurux ahaan, jewi ahaan iyo dalxiis ahaanba, waxaana uu Madaxweynuhu xusay in Soomaaliya tahay dhuldihin, qurux, bilic iyo cimilo wanaagsanle loona baahan yahay in dhulkaasi laga faa’iidaysto, gaar ahaan goobaha dalxiiska sida degaanka Goob-weyn.
Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Shiikh Aadan ayaa isgana xusay in deegaanka Goob-wayn ay tahay meel indhaha u fican islamarkaana laga dheehan karo qurux iyo bilic.
Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf iyo Madaxweynaha Hir-shabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa igana dhankooda sheegay in Deegaanka Goob-wayn ay tahay meel nafta u roon oo jawi wanaagsan leh
Dhamaan Madaxda Hogaamiyayaasha ayaa shacabka degaanada hoostaga magaalada Kismaayo iyo guud ahaan shacabka reer Jubbaland ku booriyey inay illaashadaan goobtani qurxoon ee kulmisay khayraadka dabiiciga ah ee bini aadanku ugu baahida badan yihiin.
Gabagabadii Madaxda ayaa markii ay dalxiiska soo gabagabeyeen waxa ay booqdeen xarunta Madaxtooyada Magaalada Kismaayo.


Leave a Reply