Daawo:Barlamaanka Somaliya Oo Labo ukala Jabay, kooxda Mooshin layda iyo Kooda Qarandoonka

barlamanka

Baarlamaanka soomaliya oo maanta ku yeesheen magaalada Muqdisho, waxaa shir guddoominayay guddoomiyaha golahaas, Maxamed Sh. Cismaan (Jawaari) iyadoo ajendaha kulanka uu ahaa sidii su’aalo loo weydiin lahaa wasiirka arimaha dastuurka C/raxmaan Xoosh Jibriil oo dhowaan sheegay in barlamaanka Soomaliya Hor istaagi karin go’aan maxkamadeed.

Wasiir C/raxmaan Xoosh Jibriil, ayaa guddoonka golaha shacabka u soo gudbiyay qoraal uu ku cudur daaranayo in uusan maanta hor imaan karin golaha, isagoo codsaday in dib loogu dhigo waqtiga uu hor imaanayo golaha loogana dhigo 11-ka bisha August ee soo socota arimo caafimaad awgood.

Barlamanka Soomaliya ayaa kadooday codsiga wasiir Xoosh ayakoo sheegay in mudada uu qabsaday wasiirka laga aqbalo lna sugo madaama aysan jirin wax dag daga ,lakiin arintaan waxaa ku qanci waayey Kooxda Mooshinlayda ee uu adeegsado cadowaga Soomaliya oo markasta kahor mariya dantooda tan guud.

Guddoonka golaha shacabka Soomaaliya ayaa markii dambe cod geliyay codsiga wasiirka arimaha dastuurka oo ah in loo ogolaado in waqtiga loo kordhiny ,85 Xildhibaan ayaa diiday codsiga wasiirka, halka 71 Xildhibaan ay ogolaadeen, waxaana ka aamusay sadex mudane.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.