Wasiirkii Amniga Jubaland Janan ayaa xabsiga Utaxaabay taliyihii Booliska Degmada Luuq

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Luuq ee Gobolka Gedo ayaa waxaay sheegayaan in xabsiga la dhigay Taliyihii Saldhiga Degmada Luuq Diyaad Cabdi Kaliil.

Wasiirka Amniga Jubbaland C/Rashiid Xasan Nuur (Janan) ayaa amray in xabsiga loo tabaaxo taliyaha Booliska degmada Luuq kadib markii lagu eedeeyey inuu sii daayey dad dambiyo kala duwan oo ay kamid yihiin argagixiso loo xaystay uuna xiray kuwa aan dambi lahayn.

Wasiirka Amniga Jubbaland ayaa horey xabsiga u taxaabay Maamulkii degmada Baladxaawo iyo kii nabadsugida kadib markii maxaabiis ku xirnayd xabsiga degmada Baladxaawo ay kala baxeen kadiba dileen.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.