Faallo : Jaceylkii Geediga Safarka W/Q : Mohamed Shaafac.

jacayl

Waa Fiid hore ah Jawiga Magaalada ay qisadan Jaceyl ka dhacdayne waa mid dagan, cirku waa daruureysanyahay, oo saansaan roob ayaa muuqata, dadku waa kuwo ku labisan labiska dhaxanta Celiya, Goobtune waa Nairob Magaalo madaxda Kenya,
Waa dal aysan u dhalan lamanayaasha sharciyadoodane aysan haysan marka laga sootago ineey ku yihiin qaxooti ambad ah oo dalkoodii kasoo cararay goob kale oo ay ciirsadaane waayay, waxay dalkani ku yimaadeen lamaanayaasha ay qisadani jaceyl ka dhex dhacday qaab tahriib ah oo lacago ayey kusoo jidmareen, halbeegii xilligaas ay tiigsanayeene waxa uu ahaa bal nafta ku hakiya goob uga roon halka ay dal iyo deegaan u lahaayeen oo ay kasoo qaxeen.
Nafiso waa 19jir kusoo kortay guri ladan oo nolasha ay markaas ku nooleyd kahor kasoo hayaamitaankii dalkii hooyo waxa uu ahaa mid dabaqadda sare kaga jira nolasha deegaankaasi tiilay waxaa dhalay waarid siwacan usoo ababiyay wax soo baray ilaa heer waxbarasho dugsi sarane usoo idleeyey, waxaa ladhashay tiro dad ah oo isugu jira rag iyo dumar wallow ay aheyd curadxigeenkii reerka oo wiil un ayaa ka weynaa.
Waxay dhex lugeyneysay guri deegaan balaaran oo qeyb kamid ah u adeerkeed daganaa kaas oo Kenya soo galay horaantii sagashamaadka, waxay ku socotaa dukaan ay dooneyso ineey kasoo iibsato cabitaan iyo adeegyo kale oo fudud kaasi oo ku dhexyaala xaafadda ay dagantahay.
Waxay si kadis ah wadada isaga soo dhaceen Cali Yare oo ah wiilka ay qisada jaceyl dhexmartay, wuxuu ku boobay salaan, isaga oo markaas jilaya inuu yahay qof yaqaana gabadha uu rabo inuu la qabsado, waa ree magaal muddo balad joogtaye si dagan ayey ugu war celisay “Inanta waa ku salaamay waa kaa qaaday Walalkiis Sidee tahay iyo waa ladanahay iyo hadallo kale oo soo dhaweyni kujirto ayaa dhexmartay, Magac weydiin iyo jawab celin xigtay kadibne horay ayaa la isula soo jaanqaaday ilaa laga soo gaaro dukaankii uu bartilmaameedkeedu ahaa kahor galitaanka dukaanka ayuu ka codsaday bal ineey ku caawiso telefoonkeeda, isma dhibine horay kaga dhajisay.
Laga bilaabo maalintaa Cali yare iyo Nafiso waxaa u bilowday xiriir haasaawe, oo meelo aad u fog ay isla gaareen ilaa ay isla qorsheeyaan Waqtiga ay ka mira dhalin lahaayeen, sheeko wadaagta ay mudada yihiin, iyo ujeedada markii horaba la isu bartay oo aheyd in reer isku nasta la isu noqdo awlaad intifaac lehne uu eebbe weyne kala siiyo,
Sheekada iyo Hasaawaha ay la maanayashani wadaagyeen ayaa malinba meel soo gaarayay, Habeeno badan ayaa la isku dhafray, Xilliyada Maalintiine Waqti badan oo aan horay la isugu heli jirin ayaa la isu huray, Dabacsanaan iyo Naxariis Badanne waa la isu muujiyay Balse Maxaa dhacay?.
Waa inoo Qeybta Labaad ee Sheekada oo noqon doonta Mid Dhowr Qeybood ka kooban Insha allah.
W/Q : MOhamed Shaafac

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.