Jaaliyada Kasoo Jeeda Gobolka Gedo ee Kusugan Kenya oo Cambaareyey Dilkii 4 Maxbuus ugeysteen Maamulka Baladxaawo

kenya

Shir dag daga oo iskugu Yimaadeen waxgaradka,dhalinyarada.aqoon yahadanada,Culimada iyo Haweenka kasoo Jeeda gobolka Gedo ayaa waxay Cambaareyn wayn usoo jeediyeyn Maamulka iyo Nabadsugida Baladxaawo oo afar Rag ah oo kamid ah maxaabiista ku xirnayd Xabsiga dhexe ee Magaalada Baladxaawo lagala baxay kadibna si xun loogu dilay Duleedka Degmada Baladxaawo.

Waxgaradkaan ayaa ugu baaqay Madaxda gobolka Gedo iyo Maamulka Jubbaland in sharciga lala tiigsado maamulka Baladxaawo iyo Nabadsugida, loona baahan yahay in shaqada Laga jooji sida ugu dhaqsaha badan lana magacaabo maamul kale oo Bulshada si wanagsan oo cadaaladi ku dhisan tahay ugu adeega.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.