Baaq Nabadeed: Joojin colaadda ka socota Dagaanka Xeraale ee gobolka Galgaduud

nabadey

kulan ay ku yeesheen qadka telephon-ka, wax garad kasoo jeeda deegaanada Galgaduud, ayaa habeynimadii xalay qadka teleefan-ka, waxay ka soo saareen baaq nabadeed oo ku wajahan colaadda ka taagan Dagaanka Xeraale ee Gobolka Galgaduud :

Shirkaan ayaa dadkii kasoo qeyb qalay waxaa ka mid ahaa: Odayaal,Culimo-awdiin, aqoonyahano iyo dhalinyaro ka soo jeeda qurbajoogta Soomaliyeed, ee ku kala nool qurb…aha.iyo dalka gudihiisa,
Shirka oo ahaaa mid si deg deg ah loo soo agaasimey, ayaa waxaa uu ku wajahnaa sidii baaq nabadeed si wada jir ah loogu diri lahaa dadka kunool da’gaanka Xeraale ee ay xiisada colaadeed dhexmartey,walina xiisadii jirto,taas oo keentay in ay ku dhintaan shacab aan waxba galabasan,ku waas oo markii horaba la daala dhacayey abaar ka jirta dagaanka.
Hadaba, jaaliyada oo ka tiiranyeysan dhacdooyinkaas, ayey marka hore u dirayaan tacsi ehelka iyo qaraabada ku waayey wiilashoodii dagaalkaan wa’xuush-nimada ah,illaahayna waxay uga baryayaan inuu ka siiyo samir, intii geeriyootayna u naxariisto, inta dhaawaca ahna u booga dhayo.
Waxgaradkii xalay qadka Teleefan isugu yimid ayaa waxay si wada jir ah usoo jeediyeen qodobadaan:
1. In dagaalka si shu’ruud la’aan ah loo joojiyo,si deg deg ahna loo hawl geliyo waxgaradka beelaha ehelka u ah sulux & raadinta nabada markii ay dhacaan arimahaan oo kale.
2. In wax kasta lagu dhameeyo wadahadal arintana waxgaradku xalwaara ka gaa’raan, isku dhac kalanna laga feejig-naado.
3. In culimo’awdiinka lagu hawl geliyo in ay bulshada uu dhibku ka dhex dhacay dhex tagaan si ay ugu wacyi geliyaan in naf la dilaa xaraan tahay, ciqaab Eebana meel u taal ruuxii falkaas ku dhaqaaqana ay cadaabi meel u taal.
4. In maamulada heer maamul goboleed iyo degmo ay sugaan amaanka iyo wada noolaanshaha bulshada (community cohesion) oo ah tiir haddii uu burburo dadku uusan noolaan karin.
5. In ay tanaasul iyo cafis la yimaadaan labada dhinac ee ay dhibtu kala gaartay.
Gabagabadii, waxgaradka baaqaan soo saaray waxay u soo jeedinayaan dhammaan bulshada Soomaliyeed ee gobolada dhex gaar ahaan Galgaduud in ay ilaashadaan nabadooda iyo midnimadooda gacanna ku siiyaan waxgaradka iyo hayadaha nabadgalyada waaba hadii ay jiraane sugidda nabadda oo ah haddii la waayo ay noolashu khalkhal geli karto,

6 } waxaan baaq u soo jeedineynaa in dowladda dhex ay xooga saarto iskana xilsaarto sidii loo mideyn la’haa maamuladda is diidan ee ka Jira gobolada dhex,sida qaybta Galmudug iyo maamulka gobolada dhexe,ee kala fadhiya,Cadaado iyo Dhuusamareeb,
waa in at dowladu xooga saarto sidii loo xalin la haa arimaha mugdigu hareeyey ee gobolada dhex..
Baaqaan waxaa si wada jir ah usoo saaray, Jaaliyada Soomaaliyeed ee Leicester UK,
Baaqaan waxaa soo gaarsiiyey,
Abdirizak Mohamed Tahlil, oo cidii rabta ay kala xariiri karto, Email: tahlilabdirizak@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.