Bulshada rayidka oo taageertay Dowlada Soomaliya

colow

Ururada bulshada rayidka ayaa markii ugu horeeyay taageero balaaran waxay u fidiyeen ,dowlada uu hogaamiya madaxwayne maxamed cabdulaahi farmaajo.

Kulamo balaaran oo ururada bulshada rayidka ah ay ku yeesheen magaalada caasimada ah ee muqdisho ayay ku taageereen dowlada uu hogaamiye madaxwayne farmaajo,waxayna sheegeen in maamulka farmaajo uu wax wayn ka qabtay xaalada dalka,sida abniga,waxbarashada,dhaqaalaha iyo xiiriirka dibada.

Kulan kadib waxaa warbaahinta la hadlay qaar ka mid ah hogaamiyaasha bulshada rayidka ah ee soo abaabulay kulamadaan waxayna sheegeen in ka bulsho rayid ahaan ,in ay diyaar u yihiin in ay la shaqeeyaan dowlada islamrkaana ay garab istaagaan dowlada federaalka ,si dalka loogu soo dabaalo horumar iyo barwaaqo.

Maxamed colow Maxamed oo ku hadlayay afka bulshadii kulanka ka soo qayb gashay ayaa sheegay in dowlada ay qabatay waxyaabo la taaban karo,islamarkaana ay xasilsay caasimada, amaankiina dib ay u soo celisay islamarkaana ay waajib tahay ijn la taageero.

Danjire colow ayaa sheegay in bulshada rayidka ah ay la kulmeen caqabado, iyo dhabaatooyin badan mudooyinkii ay soo shaqaynayeen,balse waqti xaadirkaan ay tahay xilligii ay is garab taagi lahayeen dowlada dhexe ,si meesha ay oga baxday dhibaatada dalka ka taagan ee isugu jirto amaan darada iyo wada shaqayn la,aanta shacabka iyo dowlada dhexe dalka.

Taageerada bulshada rayidka iyo kulamada manta ay muqdisho ku qabteen ayaa muujinaysa sida isfahanka ku dhisan ee ay isgu xiran yihiin shacabka dowlada federaalka,waxaana dad badan oo taxliiliya arimaha siyaasada ay sheegayaan arinkaan uu wax badan ka badali karo xaalada dalka ,gaar ahaan tan amaanka ,iyada ah mida ugu muhiimsan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.