Daawo:Barlamaanka Puntland oo Lamid noqday Barlamankii Hore ee Soomaliya

puntland

Xildhibaanada baarlamaanka Maamulka Puntland oo kulan ku yeeshay Xarunta Golaha Wakiiladda maamulkaas ayaa kalsoonidii kala laabtay dhammaan Gollaha Xukuumadda Puntland ee hogaamiyo Cabdiwali Gaas ayakoo ku eedeeyey Xukuumadda puntland in ay ku fashilantay arimaha dhaqaalaha, Amniga,Daryeelka Ciidamada iyo Qorshe la,aan ka jirta xaalada guud ee Amaanka.

Arintaan ayaa ah mid Bulshada Puntland iyo soomalida guudba walwal ku abuurtay shacabka Puntaland oo Fikirkooda wax laga waydiiyey ayaa sheegay in arintaan baralamaanka ku dag dagay sababtoo ah hadii dowlada wax qaban wayday madaxwaynahaa lahaa inuu isku shaan dhayn ku sameeyo golaha wasiirada, Baarlamakuna waxaa laga rabay inay madaxwaynaha ku dhaliilaan wax qaban la’aanta Dowladiisa tanina waxay lamid tahay qalalaasihii curyaamiyey Baarlamankii Hore ee soomaliya.

Madaxweyne maamulka puntland Dr C/wali Maxamed Gaas waxaa uu haystaa 21 cisho oo uu kusoo dhiso Gole Wasiiro oo cusub, sida uu qabo Dastuurku qabo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.