Dhageyso:Xildhibaan Ibi oo afkafurtay Miisaaniydii Dowlada Soomaliya u qorsheeysey Puntland

Xildhibaanada baarlamaanka ayaa wasiirka maaliyadda hor geeyey qorshooyin dib u eegis lagu sameynayo miisaaniyadda Dowladda oo horay loo ansixiyey, mudanayaasha baarlamaanka ayaa arbacadii dalbaday in la mariyo qorshahaan sida dastuurka waafaqsan oo la siiyo muddo 48-saac, kadibne ay ka doodaan miisaaniyadda dib u eegista lagu sameynayo.

Xildhibaanada Baarlamaanka soomaaliya ayaa wasaaradda maaliyadda Soomaaliya ku dhaliilay inaan maamul goboleedyada si cadaalad ah wax loogu qaybin, Xildhibaan C/rixmaan Xaaji Aadan Ibi ayaa sheegay inaysan cadaalad ahayn in puntalnd Lacag badan lasiiyo ayakoo haysta Dekad meesha kuwa ka dad badan Puntland aanan lahayn dakadna wax yar lasiiyey.

Hoos Ka aqriso sida Maamul Goboleedyada Lacag loogu qorsheeyey
Gobolka Banaadir 7,000,000
puntland 4,680,000
Jubaland 2,700,000
Hirshabeele 750,000
K Galbeed 1,430,000
Galmudug 1,430,000

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.