Dhageyso:Maamulka Gobolka Banaadir oo ka Laabtay lacagtii Lagu galaayey Beerta Nabada

banadir

Dhawaan abay ahayd markii Amar ka soo baxay Maamulka gobolka Banaadir lagu shaaciyay in lacag la’aan ah lagu geli doono Beerta Nabada ee Magaalada Muqdisho, arintaan ayaa waxaa dacwo ka keenay maamulka Beerta Nabada oo sheegay in maal badan ka galay Beerta nabada ayna heshiis lagaleen Madaxdii hore ee Gobolka Banaadir.

Kulan dhex maray maamulka Gobolka Banaadir iyo kan Beerta Nabada ayaa waxaa laga soo saareen Sadex qodob oo kala ah.

1:- In Maanta laga bilaabo Beerta Nabadda howshoodii caadiga ahaa ay dib u bilaawdaan

2:- In Beerta xiligaan wixii ka dambeeya qof walba laga qaado lacag dhan 1 Dollar qof weyn ama Qof Yar intaba.

3:- In Dadka Da’da ah ama indhoolayasha ah ee doonaya in ay Beert ku nastaan in aan wax lacag ah laga qaadi Karin.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.