Waxqabadka Dowlada Soomaliya oo Dunida Latartamayso. W/Q Cumar Sandheere.

cumar

Sidaan oganahay dhamanteen dalka waxuu gala isbadal dhab ah asagoo ka Anbqaadayo Halkudhiga #Nabad_Nolol . Xaqiiqdii arintaas way Dhabowda waxaana soodhaweyay Somali oo Idil dal joog iyo Dibad Joog waa markii ogu horeysay ay Somali israacdo yeeshaan hal hadaf kaas oo ah “Dalkeena Aan Maamulano.” Maamulka wanaaga waxuu Horseed uyahay :
1) hishiis iyo Hogaan lagu kalsoonyahay.
2) Horumar Iyo Hamiyo Sare .
3) Daris wanag Iyo Dal Dhis..
4) Xasilooni Iyo Awood qaybsi
5) istacmaalka Awood Dowladnimo.
6) Hufnaan iyo Shaqo joogta Ah.
7) Isla xisaabtan Iyo Raali Ahaansho.
? Sinaan Iyo Cadaalad.
9) Midow Iyo Kudayasho.
10) midnimo Iyo Mowqif Wanagsan.
11) Danqasho Iyo Dhiiragalin.
12) Farxad Iyo Hilow.

Inta Aan kor Kusooxusay Way La imaadda Dowlada madaxweyne farmajo Iyo Rw kheyre Waxaa ladhahaa Amaan waxaa kugu filan in cadowgaada ku qirto . hadda waxaa uqortay Dhamaan dowlad diidka ha ahaadaan Somali ama dad kale mana oranayo hebel iyo hebel .

Waxaa xusid iyo bogaadin mudan in Dowladan lagu amaano waxqabad muuqdo iyo kalsooni shacab ayadoo jirsan sanad bal kawarama haday sanad jirsato ama dhamaysato afartaan sano maxaa noo qabsoomi lahaa.?
Aniga Waxaan aaminsanahay In xaaladda Isbadalayso Dalkana latartamo dowladaha horumaray wax soosaar fiican la imaado sanadkii kuna tashato Kheyraatka dabiiciga ah ,waxaana astaan unoqon lahayd Afar Xudun Oo Aan kala Maqnaankarin Wadajir ushaqeeyo.

1) Qaran Iyo Qorsho Wanagsan.
2) Wadaniyad Iyo Walaltinimo.
3) Sinaan Iyo Cadaalad.
4) Ciribtir musuqmaasuq Iyo Hami sare.

Dowlad wanaaga waa muraayad waxaa isku fiiriyo midxun Iyo mid fiican kan xun markuu is arko wuu baqayaa hadduu baqo labo mid buu noqdaa :
1) Dabadhilif Dulmi jecel.
2) Mucaarad xiiqsan.

Waxaa loga badbaadi karaa in laxiro ama dalka lagamusaafuriyo hadii bulshada lagu dhexdaayo cudurkiisa ayaa faafayo siduu ufaafo cudurada dilaaga ah ee LA isaga qaado sifudud.
Haka Kan fcn jecelyahy Dowlada kana faaiidaysto awooda uu Alle siiyay ha ahaato mid aqoon ama maskax Ah.

Dowlad wanaaga: Waa Miisaan isku dheelitiran haduu dhan uliico kan kale ayaa dulman.
Dowlad wanaga Waa Miro macaan .
Dowlad wanaga waa Nuur Ku shaqeyo Cadaalad iyo sidaan siday ogushaqeyan soolarada qoraxda.
Jiritaankaada Iyo Nolashaada Waa dowlad fadladn dowlad noqo kohor Intaadna dowlad helin.

W.Q. Cumar Sandheere.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.