Madaxweyne Soomaliya oo ka tacsiyadeeyay geeridii ku timid Sheekh Shariif Cabdinuur

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka tacsiyadeeyay geeridii ku timid Alle ha u naxariistee Al Callaamah Sheekh Shariif Cabdinuur Shariif Xasan.

Marxuumka oo xalay ku geeriyooday magaalada barakeysan Makka Al Mukarrama ee Boqortooyada Sucuudi Carabiya waxa uu ka mid ahaa culumada ugu miisaanka culus Geeska Afrika, cimrigiisa oo idilna ku bixiyay faafinta diinta Islaamka.

“Inaa lilaahu wa Innaa Ilayhi Raajicuun. Aniga oo ku hadlaya magaca Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxaan tacsi u dirayaa guud ahaan ummadda muslimka ah, gaar ahaan qoyska iyo qaranka Soomaaliyeed ee uu ka baxay Al Callaamah Sheekh Shariif Cabdinuur Shariif Xasan. Sheekhu waxa uu ahaa caalim ku xeel dheer diinta Islaamka, kaalin mug lehna ka qaatay faafinteeda.”

Madaxweynaha ayaa Alle uga baryay Sheekh Shariif Cabdinuur inuu naxariistiisa Janno ka waraabiyo, qoyskii iyo qaraabadii uu ka baxayna sabar iyo iimaan ka siiyo.

DHAMMAAD

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.