Madaxwaynaha Puntland oo xariga ka jaray wasaarada xanaada xoolaha Puntland

Madaxweynaha Dawlada Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa xariga ka jaray dhismaha cusub ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Puntland, kaas oo laga hirgeliyey dhismaheeda Caasimada Garoowe.

Waftiga madaxweynaha ayaa waxaa kuwehelinayey wasiirka Wasaarada Xanaanada Xoolaha Puntland, Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Xanaanada Xoolaha,Wasiir kuxigeenka Wasaaradaasi, shaqaalaha waaxaha Wasaaradda iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyadda Dawladda Puntland.

Madaxweynaha dawladda Puntland ayaa ugu horayn sheegay inuu ku faraxsan yahay muhiimad gaarana u leedahay furitaanka dhismaha cusub ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, maadaama ay tahay wasaarad ku hawlan ilaalinta iyo xanaanaynta laf-dhabarta dhaqaale ee dalka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.