Raysal WasaarahaKhayre oo Ka Qayb Galay Munaasibad Kalsooni Lagu Siinayo Xukuumada “Video+Sawiro”

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyrre ayaa ka qayb-galey kulan lagu taageerayey Xukuumadda uu hoggaamiyo, waxaana ka soo qayb galay qaar ka mid ah Golaha Wasiirrada, Madaxwaynaha Maamulka Gal-mudug, Gudoomiyaha Gobolka Banaadir, Dhalinyaro iyo ururada Bulshada.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka mahadceliyey xafladan lagu taageerayo xukuumadiisa waxuuna tilmamey inay ka turjumayso rabitaanka dawladnimada, maadaama ay bulshada Soomaaliyeed soo mareen dhibaato badan isla markaana u baahan yihiin Nabad iyo Nolol.

Waxaan rabnaa mar walba in ay nala xisaabtamaan shacabka Soomaliyeed si ay u helaan waxey xaqa noogu lee yihiin taasoo ah dawladnimada, si aan u gudano shaqadeena”ayuu yiri R/W kheyre.

khayre

khayre

khayre

khayre

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.