Maqaal : Shurudaha Ahlusunna eey wadato Dowlada Federalka Iyo Galmudug makaso bixi karan , ma xalba mise kala fogaansho horleh ? W/Q Ibrahim Abdishakur Alimire

Horaanti bishaan ayeey ehed marki uu Wasiirka Arimaha Gudaha Xukuumada Soomaliya Mudane Cabdi Farax Juxa uu tagay magalada Cadaado ee xarunta kmg Galmudug , wuxuna Baarlamanka Iyo madaxda Galmudug ka codsaday in doorashada dib loo dhigo si wada-hadal loola furo Maamulka Ahlusunna oo xukunto qeybo kamid eh deeganada Galmudug , nasiib wanaag waa eey aqbalen.

Waxa lagu heshiyay in doorashada la qabto 30k bisha April waloow 11 cisho eey waqtiga la qabtay ka dhiman tahay wax guul ahna walito aan laga gaarin isku soo dhawanashaha labada maamul. Waxa lagu heshiyay in wada hadalka Galmudug Iyo Ahlusunna laga furo magalada Muqdisho Dowlada federal kana garwaden ka noqoto.

Hadaba Maamulka Ahlusunna oo hadeer la baxday ” Dowlada goboledka gobolada dhexe” aya soo bandhigtay shuruudaha eey rabto in la fuliyo hadi la rabo in eey ku biiran Maamulka Galmudug si loo helo hal maamul oo lagu mideysan yahay oo ka dhisan deeganadas. Hadaba waxan falanqeneyna 10 qodob oo Ahlusunna eey ka dhigatay shurudaheda.

1. – In Doorashada ka dhacdo Dhuusa Mareeb

Qodobkan ma ahan mid eey si sahal ku aqbali karan Maamulka Galmudug maadama eey 2 sano faarisimo u eheed Cadaado , macqul-na ma noqon doonto in eey si kadis eh ugu wareegan Dhuusa Mareeb.

2. In Baarlamanka Galmudug loogu daro 45 Xildhibaan

Tirada guud ee Baarlamanka Galmudug waa 88 , mana adkaan doonto in 45 lagu daro taas oo ka dhigi doonto wadarta guud 133 Xildhibaan . Waxa tusaalo kugugu filan Baarlamanka hirshabelle oo xubnaha lagu kordhiyay kadib buuq Iyo cabasho badan oo ka imaday dhinaca beelaha.

3. Madaxweyne Ku Xigen

Tani wexey noqon doonto qodob uusan marnaba ogolan doonin Madaxweyne ku xigenka Galmudug Maxamed Xashi Carabey oo haatan ah Ku Simaha Madaxweynaha Galmudug , waxana hubaal eh in uu ka door-bidi doono in Galmudug sideda ahato maadama hadi uu qodobkan saxiixo uu xilkisa ku weyn doono!

4. Taliyaha Ciidanka Qeybta 21aad

Magacabista Taliyaha ciidanka qeybta 21aad waxa eey ku xiran tahay Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmajo , in xilkan Ahlusunna la siiyo ma adkan doonto maadama Madaxweynaha eey ka go’an tahay in maamul lagu mideysan yahay laga helo Galmudug.

5. Ciidamada Ahlusunna oo la qarameeyo

Sidaad ogtihin akhristayal , maalmo kahor ayeey ehed marki la dajiyay qorshaha ciidanka xooga dalka oo tiradoda lagu soo koobayo 18,000 oo askari. Sidas owged surta gal ma noqon doonto in Ciidanka Ahlusunna eey kamid noqdan Ciidanka qalabka sida.

6. Guddomiyaha Gobolka Galgaduud

Qodobkani waxa awood u leh shaqsiga loo doorto Madaxweynaha Galmudug. Badana Guddomiyaha Gobolka Galgadud Waxa noqdo shaqsi kaso jeedo Degmooyinka Guriceel Iyo Dhusamareb , Saas owgedna ma adkan doonto in qodobkan eey Ahlusunna shuruuda ka dhigatay la hirgaliyo.

7. Guddomiya-yasha degmoyinka Dhuusamareb , Guriceel , Caabudwaq Iyo Xeraale.

Waxa hubaal eh in degmoyinka Dhuusamareb , Guriceel Iyo Xeraale eey yihin hooyga / saldhiga Maamulka Ahlusunna waxana iska cad in Guddomiyaha degmada sedexdas degmo loogaga dambeyn doono Ahlusunna. Balse degmada Caabudwaq aya ah degmo ka madax banaan Maamulka Ahlusunna , Shacabka Iyo siyasinta Reer Caabudwaq na ma aqbali doonan in masiirka Iyo talada degmadoda shaqsiyad aan shuqul ku lehen in eey iyaga taladoda lahadan.

8. Lacag gaaraysa 5 Milyan dollar

Shurudan waa mida ugu weyn oo muranka Iyo hakadka galisay wada hadalka . Ahlusunna aya codsatay in la siiyo lacag dhan 5 milyan oo dollarka mareykanka ah. Waxa is weydin mudan Dowlada curdanka eh lacagtas ma awooda in eey ku qarash gareyso Hal maamul ? Waa Maya ( hadi eeysan Beesha caalamka isku xil saarin ) .

9. Safiiro wadamada qaarkod

Tani ma adkan doonto maadama wadarta guud ee Safiirada caalamka Soomaliya ku leedahay eey yihin in ka Badan 40.

10. 50% Gollaha Wasiirada Galmudug

Qodobkan waa midka muranka weyn ka dhex dhalisay labadi dhinac ee ka Cadaado Iyo Dhusamareb. Maamulka Galmudug aya ku adkesanayan in Ahlusunna Gollaha wasiirada laga siiyo 30%.

Isku soo wada duubo shuruudaha Ahlusunna aya u eg mid eeysan aqbali doonin Maamulka Galmudug hadeysan shuruudaha soo qafiifina Waxa hubaal eh in Ahlusunna ” Laga Tashan Doono ” .

Guul , Nabad Iyo Mustaqbal Wacan Galmudug
Ibrahim Abdishakur Ali Mire
Political Analyst Falanqeyo Siyasada
London , U.K.
Ibrahimmire2@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.