Ciidamada Milatariga Soomaaliya oo Lacag Ugu Deeqay Abaaraha kajira Soomaliya

cidaan

Wasiirka Difaaca Xukumadda Soomaaliya C/rashiid C/llaahi Maxamed ayaa Maanta Guddiga Gurmadka Abaaraha Soomaaliya ku Wareejiyay Lacag dhan 51,000 oo Dolarka Mareykanka ah Lacagtaas oo laga soo Aruuriyay Ciidamada Milatariga Soomaaliya oo ay ka jareen Mushaaraadkooda.

Guddiga Gurmadka Abaaraha ayaa Wasiirka Difaaca uga Mahad celiyay Lacagta ay iska soo Aruuriyeen Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Wasiirka Difaaca Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay in Ciidamada Xoogga Dalka oo Mudo aad u badan aan qaadan Wax Mushaar ah ay hadda diyaar u yihiin in ay is garab istaagaan Shacabka Soomaaliyeed ee Abaarta Sima ay la degtay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.