Jeneraal Gaafoow “Waan garanayaa been abuurkaas dadka ka dambeeyay”

gafow

Taliyihii Hore ee Hay’adda NISA Jeneraal Cabdullaahi Gaafoow Maxamuud ayaa Beeniyay warqad been abuur ah oo la soo dhigay baraha bulshada, taas oo lagu sheegayo in loo magacaabay Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya.

Jeneraal Gaafoow ayaa sheegay in uu garanayo kooxaha ka dambeeya been abuuka intaa la eg, wuxuuna kula taliyay kooxahaasi iney ka waantoobaan falalka noocaan oo kale ah.

Gaafoow ayaa nasiibdarro ku tilmaamay in la maduufikeeyo saxiixa R/wasaaraha Soomaaliya, wuxuuna dalbaday in tallaabo laga qaado kooxaha arrintaan ka dambeeyay.

“Waan garanayaa been abuurkaas dadka ka dambeeyay, waana fool xumo in la farsameeyay Saxiixa Ra’isul Wasaaraha” ayuu yiri Jeneraal Gaafoow.

Jeneraal Cabdullaahi Gaafoow Maxamuud ayaa ku baaqay in la ilaalayo nidaamka iyo Dowladnimada, taas oo uu xusay in halgan dheer loo soo maray si halka maanta la joogo loo soo gaarsiiyo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.