Akhriso oo Daawo:Daahir Amiin Jiisow waa kuma? By jimCaale

jeesow

Waxay ahayd 25/03.2017 habaynumadii Jiisow oo ka hadlaaya Tiifiiga Universal asaga oo dhaliilaya golaha wasiirada magacaaban ee aan weli la ansaxin(BAROORTU ORGIGA KA WEYN),Waa arinta igu dhalisay in aan qalinka qaato ee I tusisay humaaga qormadaan.

-Xildhibaan Jiisow waxaan bartay waqtiyadii la yagleelaayey Maamulka Jubalandi,aadna uu uga soo horjeeday wixii ka socday halkaas.

-Marar badan mooshino lagu gilgilaayey madaxweyne Xassan buu ka dhex muuqday.

-Mar kale dhismihii Hirshabeelle baa qayladiisu dadka soo wada gaartay assaga oo geed dheer iyo geed gaabanba u fuulay in uu meesha ka saaro rabitaanka bulshada reer Hiiraan iyo odaydhaqamadeeda.

-Waxaa ugu denbaysay in uu ka soo horjeeday kooxdii isbedeldoonka waqtiyadii musharaxnimada madaxweynaha,aadna ugu dagaalamay in dalka halkiisa lagu hayo oo aan laga xoroobin Generaal Gabre iyo kooxdii gansaarka lalahayd.

-Waxaan la iloobi Karin oo ayada oo maqal iyo muqaal ah dadweynaha Soomaaliyeed soo gaartay maqal iyo muuqaal uu warbaahinta uga hadlay arintii muranka badan dhalisay( Gender) ee wada kulmisa lab iyo dhedig iyo isu galmada dadka isku jinsiga ah oo asaga oo xildhibaan Soomaali ah uu ku dhiiraday in uu si caddaan ah u dhaho laba nin waa is guursan kartaa,waana ilbaxnimo iyo dimoqaraadhiyad,bal hoos igala dhegaysta arintaan annigu ma samayne(CEEBI WAA LABA AF MAROOJIS).

-Maantana waa hormoodka diidmada golaha wasiirada ee aan la ansixin weli,sida uu waresi 25/03/17 habeynimadii tiifiiga ka siidaayey,assaga oo ku mudacaaya isbedelkii bulshadu rabtay ma muuqdo,bal eega madaxweyne cusub,resulwasaare cusub iyo wasiiro 90% cusub,muxuu ku duray sow maaha kuwii aan annigu rabay maaha?Bulshada Soomaaliyeed sow tan Gobolada iyo caasimada wada taagan oo codsanaaya in dhibaatada jirta ee abaaarta iyo cudurada dad iyo duunyo aafeeyey darteed dawlada ha la ansixiyo ku

qaylinaaya,manta oo kale ma maalin mooshin la keenaa,mise waa maalin shacbigii iyo xoolihiiba naga sugaayaan in aan badbaadino,sow naguma filna tilaabada uu soo bandhigay resulwasaare Khayre ee ah( waxaan aniga iyo wasiirada aan magacaabay u taaganahay in aan ummada u shaqeyno annaga iyo madaxweynaha hantida aan leenahay ha la xisaabiyo ,si loogu xisaabtamo in aan ummaddaan u shaqaynahay iyo in aan ka shaqaysanay ),isku soo wada duuboo mooshin ruxruxasho ah waqtigiisii waa dhamaaday Mudane Xassan Cali Khayre wasiirada ha horgeeyo baarlamanka ayyaga iyo shacbigana hays tuso .dal iyo dawlad shacbi baa ilaashada waa in bulshadu ka jawaabtaa haddii baarlamaanku isbaaro baarashaa dhigto,waayo lacagtii ku baxday doorashadii shacbiga abaarta iyo cudurada u le,anaaya ma gudi karaan.Wabilaahi Towfiiq/Jimcaale.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.