Baardheere: Deeq dawo ah oo la gaarsiiyay isbitaalka Degmada Bardheere

Deeq daawo ah ayaa la gaarsiiyey isbitaalka Degmada Bardheere ee gobolka gedo, waxaana keenay daawadaan Wafdi ka socda dawladda federaalka oo hoggaaminayo Xildhibaan Maxamuud Cali Magan iyo mas’uuliyiin ka socota safaaradda Turkiga ee Soomaaliya ayaa maanta gaaray degmada Baardheere ee gobolka Gedo.

Waxaana kusoo dhaweeyey Garoonka degmada Baardheere maamulka degmada,waxgarad,culimo,dhalinyaro iyo haween Mas’uuliyiinta ayaa markii ay halkaas gaareen waxaa ay booqdeen xeryaha ay ku nool yihiin dadka ka soo barabaxay abaaraha ka jira gobolka iyo deegaanada ku dhow dhow, ayagoo sidoo kale kulan la yeeshey maamulka degmada oo ka wareystay xaaladda degmada iyo sida ay abaarta u saameysay dadka ku dhaqan deegaanada hoos yimaada degmadaas.
bar

ba

bardheere

bardher

bardhere

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.