Madaxweyne Soomaliya Oo Xildhibaanada Baarlamaanka uga Mahad celiyay Ansixinta Ra’iisul Wasaaraha.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa uga mahadceliyay mudanayasha Baarlamaanka sida kalsoonida leh ee ay codka ku siiyeen, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in hadda wixii ka dambeeya ay dowladda u dhaqaaqi doonto dhanka dimoqraadiyadda, waxaana uu intaa ku daray in dowladad ay xoogga saari doonto arrimaha dib u heshiisiinta, dhismaha axsaab siyaadeed iyo xoojinta la dagaallanka Argagixisada Al-Shabaab.

Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta cod caqlabiyad leh kalsoonida ku siiyay Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Kheyre oo 23-kii February uu u magacaabay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed “Farmaajo”.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed ayaa furay kalfadhiga koobaad ee Baarlamaanka 10-naad, waxaana shir guddoominayay guddoomiyaha golaha shacabka Mudane Maxamed Sh. Cismaan Jawaari.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.