Ogeysiis: Xaflad Lagu Tageerayo Madaxda Cusub Ee Soomaaliyeed, oo kadhacaysa Dalka Jarmalka.

Bonn(CNN) Waxaa Magaalada Darmstadt ee Gobolka Hessen ee Wadanka Jarmalka lagu qabanaya Munaasabad lagu soo dhaweynayo dawladda Cusub iyo Madaxdeeda,waxaana Munaasabadaasi dhici doontaa Sabtida 4/03/2017, Munaasabadan waxaa ka soo qayli doona dhamaan jaaliyadaha soomaaliyeed ee ku dhaqan wadanka Jarmalka,waxaana halkaasi lagaga hadli doonaa arrimo ku saabsan xaaladda dalka Soomaaliya.

Waxaa kale oo lagu wadaa inay munaasabadaasi ka soo qayb galaan masuuliyiin ka socota wadanka Jarmalka oo marti inoogu ah kulankaasi kana jeedin doona khudbado ku saabsan tageeradda dawlada soomaaliyeed iyo Madxda cusub ee dhawaan la doortey.

Munaasabadan waxay ka dhici doontaa Magaalada Darmstadt Addresskuna Waa Bimberger Str.12, 64297 Darmstadt.

Waxaad Wixii Faahfaahin ah kala xiriiri Kartaan:
Gudoomiyaha Jaaliyadda Karlsruhe 015218696827
Aadam Ibraahiim Geesdiir Tel: 015781965991
Dhamaan waxaa loogu baaqayaa Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan wadanka Jarmalka inay munaasabadaasi ka soo qayb galaan si ay u muujiyaan shucuurtooda ku aadan dalkooda hooyo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.