Maxweynaha Soomaliya: Ra’isalwasaaraha waa in 15 cisho uu Wasiirrada ku soo dhiso

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa ka hadlay magacaabista Ra’isalwasaaraha cusub ee Soomaaliya.

Madaxweyne Soomaliya waxaa uu Golaha shacabka iyo aqalka sare ka codsaday in Ra’isalwasaaraha ay ku ansixiyaan sida ugu dhaqsiyaha badan.

Waxaa Sidoo kale faray Ra’isalwasaaraha cusub in uu muddo 15 maalmood gudahood ah uu ku soo magacaabo Gole wasiirro oo shacabiga Soomaaliyeed ay ku qanacsanyihin, Sababtoo ah waqti badan baa dalka ka lumay islamarkaana loo baahan yahay in waqtigaas aan la sii lumin hadda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.