Maqaal:Afarta cadaw oo Caabudwaaq nabadda u diiday ee aan qarsoonayn.! W/Q,LiibaanGuulwade

Wax kasta ee dhaca ama dhacdo kasta oo timaada ee dhibaato wadata waxay leedahay sabab,markii la ogaado qodadeed iyo inta ay la, eg tahay,waxay u baahataa waxgarad maareeya oo xidida siiba si ayyan dhibaatadu u sii socon loona helo xalwaara ,waxaan la wada soconaa in Degmada Caabudwaaq sanadahaan danbbe ay joogto u noqotay dilal aan micne lahayn wax loo sababeeyana aana garan Karin marka laga reebo in la yiraahdo aana qabiil,oo aan qabo in ayyan sax ahayn,maxaa yeelay qabaa,ilku intaas waxay isku dayeyaan in ay joojiyaan falalkaas foosha xun oo dadka walaalaha ah ee wada dhashay dhexdooda ka socda,markii ay meel dabka ka damiyayaana meel kale baa qori dab leh lagu dhejinayaa.

Bal aniga arintu sida ay ii la muuqatay aan abaaro afar cadawguri oo dadka la nool oo nabada in ay caabudwaaq u diidaan ku hawlan baa jira,kuwaas oo kala ah;-

1-Midka hore waa niyuu boolis(new police) oo halka ay ka socdaan iyo ujeedadooda ay naan isu sheegayn.

2-midka labaad waa alshabaad oo qorshahoodu yahay in magaala kasta oo nabadi ka jirto ay dumiyaan ilaa ay gaarsiiyaan in lagu kala qaxo,waana sida ay ula daqmeen dhammaan dalka oo dhan,ujeedaduna waa in la baahdo oo ay dhalinyarada iyo hubkooda gacanta ku dhigaan marka ay baahdaan,arintaas markii ay u suuro gasho waxay meeshaas ku laayaan,odydhaqameedyada,culumada ,aqoonyahanka iyo waxgaradka.

3-cadawga seddexaad waa muqaadaraad asaga waxaa soo dirsaday ibleys,shaqo badan oo aan la qiyaasi Karin oo ibtilada ugu weyn ah buu ka wadaa Caabudwaaq oo xummaan oo dhan ah,nin ka badbaadayaa ma jiro kan keena, kan kisticmaala nabadoonka madaxda u ah ,aabbaha dhalay, culumada ka deriska la ah meesha hawshaasu ka socto iyo dadka magaalada degan ,qofna ka fakan maayo ciqaabteeda adduun iyo aakhiraba.

4-Cadawga afraad waa Ak47 qoriga la yiraahdo wiil kasta garabka ugu jiro ,xaaladiisa iskaga warami mayno oo magaciisa ayaaba ah nabaddiid,waxaa loo

samaystay in cadaw layskaga difaaco,marka kalana uu bakhaar ku jiro,haddii uu banaanka u soo baxo nabad ka quuso.

Isku soo wada duub( Talada adaa ku nool ee ayadu kuguma noola) Reer Caabudwaaqoow is daba qabta inta hadda lays tusay oo is ficlaysa oo colaada loo abuuray waxa kala irdoobay oo aan isku imaan ,oo ninba xaafad go,doon ku yahay,waa odaydhameedkii,culumadii,aqoonyahankii iyo waxgardkii Reer Sade ee kuwada shaahayn jiray biibitooyinka ama meelaha laga qaxweysto,waxaa laydin gaarsiiyey halkii ugu denbaysay ee cadawgiinu idin la rabay,ha sugina in laydin garsiiyo qax aad magaalada ku kala carartaan yey idin ku dhicin(shalay oo tabar lahayey talo la ma hayn manta oo tala la hayyana tabar la ma hayo) Aan ku soo gabagabeeyo dadka wax galka ah ee aan sare ku sheegay ha sugina geeridiina iyo tan caruurtiina ee afarta cadaw ee aad ogtihiin aniga oo meel aad idinka fog joogaana saas u arko,u bareera in aad idinku isku soo noqotaan sharuud la,aan,xataa haddii aad ku dhimanaysaan waayo ninkii Ilaahay darti islaax dadka dhexdiisa asaga oo ka wada ku dhinta Ebbe janadiisa ayuu u balan qaaday ugana biximaayo,inta aan sare ku xusay ninkii sariirtiisa ku dhinta asaga oo daawanaaya am ka qaybqaadanaaya,ogaada in uu cadaab Alle u bareeray oo uusan ka baxsaneyn.

Afarata cadaw ee aad guryaha ku haysataan haw arkina wiilashiina,iyo waa reer hebel waa kuwo laydiin soo diray in ay idin duleeyaan ee haysu dhiibina ee wada xalaal ah ku dhinta.

Fadlan qof kasta oo khariya ha ku dadaalo in uu garsiiyo wax garadka Caabudwaaq qoraalkaan nabada xambaarsan Alle waa u abaalgudine./
W/Q,Liibaan Guulwade.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.