Farmaajo oo War ka soo saaray Qaraxyadii lagu Weeraray Hotel Dayax oo dad badan qasaaro kasoo Gaartay

Warsaxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaarihii hore Ee Soomaaliya haddana ah Musharax u taagan qabashada Xilka Madaxweyne ee Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa looga hadlay Qaraxyadii Dadka badan ay ku dhinteen ee Saakay lagu Weeraray Hotelka Dayax oo ku yaalla Wadada Maka Al-mukarama ee Magaalada Muqdisho.

Musharax Farmaajo ayaa ugu horeyn si Kulul u Cambaareeyay Falka is Qarxinta ah ee lagu qaaday Hotelka islamarkaana lagu dhibaateeyay Ummadda Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan,waxaana lagu sheegay Warsaxaafadeedka in la joogo Xilligii Ummadda Soomaaliyeed iyo Laamaha Ammaanka ay iska kaashan lahaayeen sidii Al-shabaab loo dabar goyn lahaa. Screenshot (64)

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.