Farmaajo oo ugu deeqay Gurmadaka abaaraha lacag Gaaraysa 40,000

jawaa

Kulan ay soo qaban qaabiyeen xildhibaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya oo lagu aruurinayo dhaqaale lagu bad baadiyo qoysaska abaarta saamaysey ayaa lagu qabtay Hotel Jazeera ee magalada Muqdisho, Waxaa kasoo qayb galay qaar ka mid ah murashaxiin madaxwayne, Xildhibaano, wasiiro, madax matalaysey ururadda siyaasada,guddiyadda iyo dad magac ku leh bulshada dhexdeeda.
Musharaxiintan ayaa qarash ku yaboohay qaarna horey ubaxshey

Murashax madaxwaye Maxamed Cabdilaahi Farmaajo ayaa gurmadka qoysaska abaartu taabatay ugu deeqay 40-kun oo doolar (30-kun wuxuu baxshay maalmo ka hor).
Murashax madaxwayne Xassan Shiikh Maxamuud ayaa isagana baxshay 30-kun oo doolar.
Murashax madaxwayne Shiikh Shariif Axmad isaguna wuxuu baxshay 10-kun oo doolar.
Murashax madaxwayne Cumar C/rashiid wuxuu baxshay 10-kun oo doolar.
Gudoomiyaha Baarlamaanka Jawaarina wuxuu baxshay 10-kun oo doolar.

Sidoo kale waxaa dhaqaale ku yaboohay xildhibaano goobta ku sugan,siyaasiyiin,wasiiro, ururadda siyaasada iyo mas’uuliyiin kale, qiyaasteyda galabta oo kaliya waxaa la aruuriyay lacag kor u dhaafaysa boqol kun oo doolar.

farmajojawaraae (1) farmajojawaraae (2) farmajojawaraae (3) farmajojawaraae (4) farmajojawaraae (5)

 

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.