Madasha Talada Qaranka iyo Xusuus aan la ilaabi Karin W/Q Jimcaale

jim

Waxaa hubaal ah in dadka Soomaaliyeed ay wax badan xasuusnaan doonaa afarta sano ee ina soo dhaafay ,waa 20012 ilaa 20016 oo nimanka ku bohoobay madasha talada qaranka oo qaabka ay ku abuurmeen aan tastuurka iyo sharciyada hoosyimaada oo kale midna laga helayn,intaas waxaa dheer in ay musharaxiin yihiin intooda badan ayaga oo og in ummadda Soomaaliyeed ka yaaban tahay sida bareerkaa ee ay haadaanta ugu rideen qaranka Soomaaliyeed,sidaas darted waxaan la wadaagayaa bulshada Soomaaliyeed in ay dib u milicsadaan arimaha hoose;-

1-Badii Soomaaliya ee muranka la galiyey ilaa hadana nala ku haysto oo aan lagu kala bixin.

2-Darbiga laga dhisaayo xuduuda keenya aan la wadaano oo wax ka hadlayaa ayyen jirin.

3-Xasuuqii Kenya ka geysatay Jubaland oo madaxweynihii Soomaaliya asaga oo aan ka hadlin inta dulmaray Gedo oo maydkii dadkiisu waran yahay ,u sajuuday meydkii askartooda.

4-Madasha talada qaranku in ay ku heshiiyeen in ay bulsho ahaan,dhaqaale ahaan ,siyaasad ahaan iyo dhaqaale ahaan Dalkeenii midka ahaa u kala qaybsadeen ayaga oo danahooda gaarka ah uga danlahaa ugana faa,ideysta,bulshadana aan waxba loo qaban oo ay marag u tahay abaarta lagu hoobtay oo aan waxba laga qaban ,haddana laga sugeyn.

5-Shaqaalahii tirade yaraa iyo askartii oo aan hal sano iyo dhawr bilood mushaar la,aan ah ,lacagtoodiina la galiyey doorashada,arintaas oo sababtay in taliyihii ilaalada madaxtooyada askarigii mushaarkiisa waayey toogasho ku dilo,dhammaan ciidankii koofiyad caska ahaana lagu aamini waayey madaxtooyadii lagana saaray.

6-Mudo todobaad ah oo la qabsaday Dudun oo ka tirsan degmada Galdogob calankii Soomaaliya lagu bedelay kii dawladii qabsatay kadib markii lagu xasuuqay halkaas ciidankii yaraa ee joogay iyo dad shacab ah

7-Bal eega ayyada oo aan xisaab celin la samaynin miisaniyadii 2016 baa mid kale oo ku aadan 2017 la horkeenay golaha cusub ee baarlamaanka ,aad iyo aad bay ugu farxeen shacbiga iyo waxgaradka Soomaaliyeed go,aankii GB cusub ku diideen ansaxinteeda,waxaana soo noo laatay niyyadii dadka ee dhimatay ayyada oo loo arkay in baarlamaanka cusub dhaami doono kuwii lagu duleystay dalka hortooda.

Isku soo wada duube waxaa laga dhursugayaa loona dhegtaagayaa in golaha shacbiga ee cusub ay nadaba qabtaan oo dalka samatabixiyaan,taas oo ku imaan karta isbedel yimaada oo ay codkooda siyaan madax dadka iyo dalka ka naxaaysa oo aan daneystayaasha lacgtii ay ummadda ka dhaceen xilka ku doonaya iyo musuqmaasuq ahayn.

Wabilaahi Towfiiq,Cabdullaahi Jimcaale Faarax.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.