Siyaasada isku midkaa ee ay ku wada shaqeeyaan Xassan Sh.Muaxauud iyo Beesha Caalamka iyo shacbka Soomaaliya oo danahooda ka hurda.

jim
Waxaa xaqiiqa in Madax wanaagsan ama hoggaamiyaasha wanaagsan ay ka soo dhexbaxaan shacab wanaagsan oo danahiisa ilaashanaya ,doortana qof wanaagsan oo ka shaqeeya danahooda iyo baahiyahooda,sidaas awgeed waxaa xaqiiq ah in shacabka Soomaaliyeed ay noqdeen kuwo dayacay ilaalinta qarankood iyo danta guud ee ummadda ka dhexaysa ayada oo looga baahnaa in ay cod iyo ficil intaba uga jabaan xadguduyada iyo dhaaawaca qaranka loom geysanaayo sababaha soo socda awgoodo ;-
1-Marka ugu horeysa waxaysan kuwada baraarugsanayn dadka Soomaaliyeed in Beesha caalamku tahay tiil jilbaha dhulka ugu dhufatay qarankoodii awooda iyo sharafta badnaa,islamarkaasna istiraajiyadoodu ahayd in aan qaran danbe oo awood iyo sharaf leh Soomaaliyeed uusan soo noqon ,si uu u qaato kaalintii uu aduunyada ku lahaa,taas oo warbixino caalamiya iyo cilmibaaris lagu hayo.
2-Marka xiga si ay uga dhabeeyaan haadaan ku sii ridida qaranka Soomaaliya ,hadba wax bay nagu tijaabiyaan,waxay hawsha ka bilaabeen waa dirireen oo isma aamini karaan ,yaaba nagu tijaabiyey in aanaan is aamini Karin oo aan naan heshiin Karin,bal ila milicsada markii,la dhisayey waxa ay ku magacaaabeen Dawlad Gobalada,mid walba dhaqanada soo jireenka ah markii ay isu yimaadeen waxaa laga horistaagay in ay dhistaan wax ay ku heshiiyeen oo ayaga ka dhashay,waxaana laga hortagay in maamul ayagu heshiis ku yihiin uu dhismo,ayyaga oo qarka ula saran baa weerar qaawan Xassan Sh.Maxamuud iyo Beesha Caalamku ku qaadeen,waxayna dhiseen wixii ay rabeen wax lidi ku ah danahooda.
3-waxaan iska garan waynay waxa ay ula jeedeen 4.5 oo ay dadkayaga u kala qaybiyeen iyo waxa ay ku sheegeen federal, oo ay uga danlahaayeen in mijaha iyo qoorta ay iskugu kaaya xiraan,si anaan horay ugu socon,mar kastana gobanimadayadu u kala dantaalnaato,islamarkaasna aanaan helin xasilooni,amaan iyo kala danbayn,kuwaas oo Xassan Sh.Maxamuud iyo beesha Caalamku noogu sheegaan horumar iyo tilaabo horay loo qaaday,waana haadaanta noo qodan oo marba naloo sii dhawaynaayo.
4-Ugu danbayn bal eega waxa ay doorashada ku sheegeen ee ka dhacay maamulada iyo waxa cabasho ka soo yeeraya oo indhahayaga oo shan ah ninkii wadanka u danqanaaya ama wadaniyad laga arko albaabada laga soo xirtay,islamarkaasna la xulaayo kuwa danaha cadawga u adeegaya,wixii cabasho la soo gaarsiiyey Xassan Sh.Maxamuud iyo Beehsa Caalamka waxay uga Jawaabaan hambalyo loogu hambalyeynaayo kuwa gaboodfalka gacmaha kula jira iyo amaan lagu abaalmarinaayo ama tilaabo horumar leh ilayn qarka ayaan u saaranahay bohosha noo qodane.
Ayaan daro aan ku soo gabagabeeyo ilaa qalbiga dhintay ee ummadda Soomaaliyeed uu noolaado,indhaha araga gabayna loo helo dhatar u fiiqa,dhegaha awdmayna loo helo mid fura rajada dadka iyo dalku booranta qodan bay ku sii dhawaanayaan malin kasta,islamarkaasna xildhibaanada naloo xulay aad uguma hanweyni in ay qatarta taagan naga samata bixin doonaan,balse koley aan ka warsugno tan Alle lagama quustee.
WQ.Cabdullaahi Jimcaale Faarax

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.