Xassan sheikh Maxamuud sow Mucjiso maaha(Isn’t Xassan Mohamuud ridiculous?

jim

Markii aan fiiriyey damaca, habdhanka siyaasada,maamulka ku salaysan musuqmaasuqa iyo indha adayga uu bulshada la soo horistaago ,ayaa waxaa igu soo dhacay shaqsiyaad mucjiso ahaa oo reebay sheekooyin la yaab leh oo say ku dhacday aan cidina aqoon laakiin dadka Soomaalidaa meel kasta ha joogaane can bay ku yihiin sheekooyinkaas iyo shaqsiyaadkaas laga sameeyey,waxaana xaqiiqa inta adduunku jiro way ku dhex noolaan doonaan sheekoojinka shaqsiyaadkaas mucjisada ahaa.

Waxba yaan arartu ila tagine bal ka fakara Caraweelo,Odaybiiqe iyo Cigaal Shiidaad,Yaa garan kara markii ay bilaabantay taariikhda iyo sheekooyinka ay ku reebeen maskaxaha ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay ku nool yihiin,sow maaha in ay adduunyada la dhammaan doonaan oo aan marna la iloobi doonin.

Xassan Shiikh Maxamuud waxaa hubaal ah afarta sano oo Soomaaliya hogaaminaayey maskaxaha ummada Soomaaliyeed in uu ku reebay sheekooyin la mid ah dadka aan kor ku soo sheegay oo mucjisada ahaa,marka laga eego siyaasada,dhaqaalaha ,dhaca hantida qaranka iyo tan gaarka ah iyo sidoo kale kale musuqmaasuqa baahsan ee aan lala kala xishoon,kuwaas waxaa ka sii daran in jiritaanka qaranka Somaaliyeed bohol ku sii dhacaayo oo uu ka iibiyey shisheeye iyo cadawgiisa soo jireeka ah.Hadalka aan ku soo kobo Baarlamaanka cusub ee la doortay ama dalka ha badbaadiyeen ama magaca kii hore ee gabay wixii loo idmaday ee qaatay magaca Ku shubo(call box) ayaguna ha qaateen/WQ. Cabdullaahi JImcaale Faarax

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.