Baaq Nabadeed: Joojin colaadda ka socota degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud

nabadey

kulan ay ku yeesheen wax garad kasoo jeeda deegaanada Galgaduud & Jubbooyinka, ayaa habeynimadii xalay qad teleefan, waxay ka soo saareen baaq nabadeed oo ku wajahan colaadda ka taagan degmada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud!.
Shirkaan ayaa dadkii kasoo qeyb qalay waxaa ka mid ahaa: Odayaal, aqoonyahano iyo dhalinyaro ka soo jeeda qurbajoogta beesha Sade ee ku kala nool qurbaha.
Shirka oo ahaaa mid si deg deg ah la’isu gu yimid, ayaa waxaa uu ku wajahnaa sidii baaq nabadeed si wada jir ah loogu diri lahaa laba beelood oo walaalo ah oo wada dega degmada Caabuwaaq ee gobolka Galgaduud, oo waayadaanba ay u dhaxeysay shaqaaqooyin colaadeed oo soo noq-noqday, taas oo keentay in ay ku dhintaan 7 qof ayna ku dhaawacmaan tiro intaas ka badan.
Hadaba, jaaliyada oo ka tiiranyeysan dhacdooyinkaas, ayey marka hore tacsi u dirayaan ehelka iyo qaraabada ku waayey wiilashoodii dagaalkaan wa’xuush-nimada ah, illaahayna waxay uga baryayaan inuu ka siiyo samir, intii geeriyootayna u naxariisto, inta dhaawaca ahna u booga dhayo.
Waxgaradkii xalay qadka Teleefan isugu yimid ayaa waxay si wada jir ah usoo jeediyeen qodobadaan:
1. In dagaalka si shu’ruud la’aan ah loo joojiyo, si deg deg ahna loo hawl geliyo waxgaradka beelaha ehelka u ah sulux & raadinta nabada markii ay dhacaan arimahaan oo kale.
2. In wax kasta lagu dhameeyo wadahadal arintana waxgaradku xalwaara ka gaa’raan, isku dhac kalanna laga feejig-naado.
3. In culimo’awdiinka lagu hawl geliyo in ay bulshada uu dhibku ka dhex dhacay dhex tagaan si ay ugu wacyi geliyaan in naf la dilaa xaraan tahay, ciqaab Eebana meel u taal ruuxii falkaas ku dhaqaaqana ay cadaabi meel u taal.
4. In maamulada heer gobol iyo degmo ay sugaan amaanka iyo wada noolaanshaha bulshada (community cohesion) oo ah tiir haddii uu burburo dadku uusan noolaan karin.
5. In ay tanaasul iyo cafis la yimaadaan labada beelood ee dhibtu kala gaartay.
Gabagabadii, waxgaradka baaqaan soo saaray waxay u soo jeediyeen dhammaan bulshada reer Sade ee ku dhaqan Galgaduud gaar ahaan Caabuwaaq, in ay ilaashadaan nabadooda iyo midnimadooda gacanna ku siiyaan waxgaradka sugidda nabadda oo haddii la waayo noolashu khalkhal geli karto.
Baaqaan waxaa si wada jir ah usoo saaray, Jaaliyada beesha Sade ee UK,
Baaqaan waxaa LDAG soo gaarsiiyey Abdirizak Mohamed Tahlil, oo cidii rabta ay kala xariiri karto, Email: tahlilabdirizak@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.