Baaq:Ugaas Maxamed Ugaas Cumar ayaa Baaq Nabadeed udirey Bulshada Caabudwaaq

Ugaas Maxamed Ugaas Cumar Ugaas Xirsi ayaa baaqnabadeed u diray beelo walaala ah oo dagal ku dhex maray magalada Caabudwaaq ee waqooyiga G/Galgaduud isagoo sheegey in ay nasiib daro ku tahay beesha sade dagaalada foosha xun ee ku dhex marayo C. W. loona baahan yahay in ay gartaan dantooda.

Ugaaska oo hadalkiisa sii wato ayaa ka dhaajiyey in ay Caabudwaaq ahayd magaalo ku talaabsaneysay Horumar islamarkaana ay haysay indhaha caalamka maadama ay tahay magalo istaratiijiyad ah oo u ku taalo xaduuda itoobiya balse ay hada isu badashay magalo ay ku qubtaan dhiig sokeeye.

Ugaas Maxamed Ugaas Cumar Ugaas Xirsi ayaa intaa raaciyey kala danbeyn la’aanta ka jirto Degmada C. W in ay tusayso bulshada calamka liidashada beeshu ay ka liidato beelaha somaliyed ayna muhiim tahay in ay aqoon sadaan danaha guud ee beesha.

Gaba gabadii Ugaaska ayaa kula dar daarmay besha sade in ay u guntadaan sidii loo joojin lahaa dhiiga wiilasha mareexaan ee ku daadanayo degmada Caabudwaaq waxana uu intaas raaciyey in la soo qabto wiil kasta oo si bareer ah u dilo wiil walalkiis ah islamarkaana la geeyo tiirka toogashada si in badan oo damacsan dilal kale ay ugu waano qaataan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.