Gaalkacyo Ma Qudus Baa Dadkeedu ma Yuhuud iyo Falastiin baa?! By Cabdulaahi Jimcaale

jim

Waa su,aal isweydiin iyo amakaak mudan marka ay dhegahaaga ku soo dhacaan waxa ka soo yeeraaya Magaalada Gaalkacyo.Ninba soo doono haw micneeyo anniga waxay iila ekaatay su,aasha aan qormadaydaan ugu magacdaray,uma malayn maayo qof intuu qalin iyo warqad qaato ama codbaahiye horistaago in uu si kale u macnayn karo,marka laga reebo Madasha Qaranka ee Xassan Shiikh Maxamuud gudoomiyaha u yahay oo halaaga iyo baaba,a Dalka iyo dadka ku tilmaama tilaabo horay loo qaaday iyo horumar,yaan lala yaabin waa niman cadawga Dalka Soomaaliya u shaqeeya qolada waxa socda horumarka u tahay waa shisheeyaha ay uga dhex adeegaan dalkaan,waana xaqiiq in ay cadawgayaga tilaabo horay loo qaaday iyo horumar u tahay dhiiga Soomaalida ee qubanaaya iyo haadaanta nala ku tuuray oo ay hadda ila adag tahay in aan ka soo bixi karno.

Dad talo kama dhammaato aan marka hore ugu Deeqo walaalahay reer Gaalkacyo talada maanta la gudboon oo ah (dhiiga wiilashiina in uu daato oo meyd iyo dhaawac idiin daadsan yihiin waxaa keenay shirqoolka cadawgu ugu talagalay in uu jiritaanka ummadda Soomaaliya ku baabi,iyo oo ah Federaal oo laba calan iyo laba Madaxweyne u yeelay walaalihii weligood ku wada noolaa Gaalkacyo,hadaba war helaa tala hela waxaan aqoonyahanada,culimada,odayaasha dhaqanka kula talinayaa in ay isu yimaadaan oo tala mideysan ka qaataan labada calan iyo labada Madaxweyne.dadka u abaabula banaanabax ay u mideysan yihiin ,labada calan faras magaalaha ku guba,labada Madaxweyne ku mudaaharada in ay ciidamadooda la aadaan Cadaado iyo garoowe.Halku dheg ka dhigta diidnay Federaal).Meel aan nabadu jirin ha ka raadinina ha ku dhicina dabinka Gaas iyo Guuleed oo ah qabyaalad qaawan taas oo ah hub mar kasta cadawgu noo adeegsado kuwo annaga naga mid ah loo soo dhiibo.

Waxay noqon ilays gaara Soomaali oo dhan taariikh aan duugoobin oo Iskuulada caruurta loogu dhigo bay noqon waana ku badbaadi doonaa Insha Allaah.

Ann ku soo gunaanado in aad midawdaan ,gudi isku dhafa samaysataan,khasaaraha sida dhimashada,daawac ,burburka iyo barakaca idin gaaray aad ku dacweysaan labada Madaxweyne iyo madashooda qaranka,haya,daha xuquuqu insaanka gaarsiiya,waxaan hubaa Soomaaliya oo dhammaan dhibanayaal ah in aad baraarujindoontaan.Nin walaalki loo xiirayoow soo qoyso adiguna,Reer Gaalkacyo kaligood maaha waanadu waxay ku socotaa Soomaali oo idil .

Wabilaahi Tawfiiq.Cabdullaahi Jimcaale Faarax.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.