XOG: Maamulka Jubaland oo lagu Amray in ay soo xiraan islamarkaana xabsiga dhigaan Wasiirka Amniga Jubaland.

Wariye waxa baara ayaa shaaca ka qaaday xog qarsoon tasoo ku saabsan inuu bilaawaday dagaal u dhexeeya beesha caalamka iyo maamulka jubaland kadib markii maamulka jubaland la dul dhigay amaro aad u adag oo ku saabsan in ay soo xiraan mid ka mid ah raga ugu muhiimsan ee  ka dhaqdhaqaaqa gudaha Maamul Gobaleedka Jubaland.

Ilaa Sodon Haayadood  oo isugu jira kuwa u dooda xaquuqul insaanka iyo kuwa kale ayaa maamulka jubaland ugu baaqay in si deg deg ah loo soo xiro islamaarkana  la dhigo xabsiga  wasiirka amniga jubaland C/rashiid Xasan Cabdi nuur [ indha kori ] kasoo lagu soo eedeeyay inuu geystay falal ka dhan ah xaquuqul insaanka ,oo ay ka mid yihiin  dilalka dad rayid ah ,dad lagu jiiday baabuur ilaa ay ka dhinteen, dil wadareedyo, abaabulid qaraxyo goobaha shacabka iyo waliba dhibaatooyin ka dhacay gudaha xabsiyo ku yaala gobalka u dhow xuduuda ee Gedo.

Sanadkaan gabagabada ah ee laba kun iyo lix iyo toban waxaa  Xafiiska  Madaxwaynaha maamulka jubaland Hareeyay warqado iyo emailo  lagu dalbanayo in la soo xiro wasiirka Amniga ee Jubbaland C\rashiid indha kori.  Hay’ada human rights watch iyo xafiiska xaquul insaanka QM ee UNSOM waxay horseed ka yihiin gudbinta waraaqaha ka dhanka ah mudane indha kori.

Madaxwaynaha maamulka jubaland ayaa ka cudur daartay soo qabashada wasiirka amniga maamulkiisa ,waxaana axmed madoobe uu u diray hay’adahaasi qoraalo uu kaga jawaabay soo qabashada cabdi rashiid. isagoo codsaday in asaga laga wareejiyo soo qabashada xubintaasi maamulkiisa ka tirsan.

Qoraalada Axmed Madoobe oo u badnaa kuwa uu ku diray dhinaca online,ka ayuu Axmed Madoobe wuxuu  Ku sheegay sidaan[ aniga ma soo qaban karo cabdi rashiid indha kori,sababtoo ah waa shaqsi ka dhashay beesha mareexaan sade,tasoo dhowr jeer maamulkayga kala kulmay dagaalo abaabulan,sidaasi darteed aniga awood uma lihi in aan soo qabto indha kori,beesha caalamka waxaan ka codsanayaa in xariga wasiirka amniga loo maro meelo kala oo aniga layga wareejiyo ,ayadoo la eegayo cudurdaarkayga] Ayuu Yiri Axmed Madoobe oo u muuqday mid raali ka ah Tacadiyahada ay Hay’adahani u beegsanayaan Indha kori.

Hasa ahatee qaramada midoobay ayaa ku gacan sayrtay cudurdaarka  Madaxwaynaha maamulkam jubaland ,waxaana xafiiska  axmed madoobe mar labaad loo soo diray email iyo qoraalo kale oo looga dalbanayo in uu xillka ka qaado si ay u fududaato soo qabashadiisa.

Axmed Islaam waxaa shanta ilaa todobada bishaan october laga sugayay inuu ka soo jawaabo qoraaladaasi balse ilaa hada ma uusan bixin wax jawaab ah,tasoo sababtay caro hor leh oo beesha caalamka ay ka qaaday jawaab la,aanta Madaxwaynaha Maamulka Jubaland.

 

wariyaha sameeyay baaritaanka ayaa ogaaday inta uu la eg yahay tacadiga loo haysto C/rashiid Xasan C/nuur.

Hoos ka aqriso.

cabdirashiid ayaa lagu eedeeyay inuu ka danbeeyay dilka ilaa afartan ruux oo shacab ah,waxaana dadkaasi ka mid ah.

  1. Nabadoon Aadan C\qaadir [ Aadan dheere] 27/4/2014 dagmada balad xaawa.

2.Baashi C/laahi DIIRIYE     [GANACSADE]        5/ 1/ 2013       dagmada dolow

  1. nabadoon baanjo cabdi dhudi 7/ 1/ 2013 dagmada baladxaawa.
  2. maxamuud cali shidane 5/8/2015 dagmada ceelwaaq

5.cabdi fitaax cilmi yusuf                                25/10/2012        dagmada luuq

  1. idiris cabdi aadan 1/8/ 2016                  dagmada balad xaawa
  2. yuusuf cabdule nuur 9/10/2014           deegaanka geedwayne
  3. cabdi nuur waayeel nuux 12/5/2016 dagmada buurdhuubo

9   luul maxamed ciise                            3/6/2009                 dagmada mandheera

waxaa jira dad kale oo aad u badan oo ku maqan gacanta cabdirashiid ,waxaana dadkaasi ka mid ah shaqsiyaad lagu weeraray bambo gacmeedyo iyo qaraxyo  islamarkaana lagu dilay meelo ka mid ah jubaland.

DHinaca kale waxaa dhicisoobay isku day dowlada somaaliya ay ku doonaysay in ay ku soo qabato C/rashiid indha kori. Waxaana Sanadkii laba kun iyo shan iyo toban soo baxday warqad warranti loogu jarayo wasiirka Amniga jubaland.tasoo uu ku saxiixnaa xeer ilaaliyaha guud ee dalka axmed cali daahir,waxaana maamulka jubaland looga codsaday in ay soo xiraan Mudane Indha Kori.

BALSE  waxaa arintaasi is hortaag ku sameeyay  Axmed Maxamed Islaam Hogaamiyaha Maamulka juba oo isaga xilligaasi u arkayay in shaqsiga la doon doonaya uu yahay shaqsi isaga muhiim u ah,madama uu ahaa gacanta kalii ee u u adeegsan jiray gobalka Gedo,tasoo fuliso amarada Axmed Madoobe.

HOOS KA AKHRISO WARQADDA XEER ILAANLINTA AY SO OSAARTAY EE INDHA KORI LAGU SO OXIRI LAHAA.

maxkamada

Wariyaha sameeyay baaritaankan oo lagu magacaabo Karar Aadan Rukow Ahna Khabiir Saxaafadeed oo ku xeeldheer arimaha Baaritaanka iyo diwaangalinta Tacadiyadaha Ka dhanka ah Xuquuqul Insaanka ayaa sheegay in arinka uu ka badalan yahay sidii hore ,xariga wasiirka amniga jubaland waxaa hada door lixaad leh ka qaadanaya beesha caalamka ,gaar ahaan  jimciyada qurumaha ka dhaxeyso .waxaana jira laba wada oo u furan maamulka jubaland ,waxaana labadaasi wado ay kala yihiin sidaan.

1- in maamulka jubaland uu u hogaansamo awaamiirta beesha caalamka ,ismarakaana uu xabsiga dhigo wasiirka amniga

  1. in beesha caalamka ay cuna qabatayn dhinac walba ah ku soo rogto maamulka jubaland ,sida haayadaha gar gaarka,dhoofka dakada kismaayo,dhaqdhaaqa masuliyiinta maamulka jubaland iwm.

 

wariyaha soo bandhigay warbixintaan ayaa is waydiiyay su.aalo ay ka mid yihiin[  talow jubaland ma waxay badbaadin doontaa wasiirkeeda dhinca nabad galayada mise waxay u hogaansami doontaa amarada culus ee kaga imaanaya dhinaca caalamka? madamaa aysan ka maarmin dhinaca beesha caalamka.

Isweydiinta Wariyahane waa Mid taagnaan doonta ilaa iyo inta Maamulka Jubbaland oo labada wado ee u furan Mid qaadi Doono.

Karar Rukow

investigative journalist

maxamedrukow@gmail.com

 

 

3 Comments

Leave a Reply to suldhanyare abukar sahal Cancel reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.