Wasiirka warfaafinta jubaland Waxaa shaqadayda igu haysto Seeraar iyo gudoomiyaha raaskambooni Macalin Maxamed. “Dhegeyso”

Baaritaankan oo aan bilaabay horantii bishii agoosta laba kun lix iyo toban ayaan ku ogaaday in ay jiraan dhibaatooyin xaga warfaafinta ah tasoo si guud oga jirta ismaamul gobaleedka jubaland , waxaa si lama filaan ah aan kula kulmay Wasiirka warfaafinta jubaland mudane Cabdi Nuur Cali Aadan kulanka wasiirka wuxuu i ahaa mid muhiim ah muda ku dhaw hal saac oo aan wada joognay hotel kismaayo waxaa u isheegay arin aan aad ula yaabay tasoo ahayd in isaga uu yahay magac u yaalla balse howlihii xafiiskiisa ay ku shaqaysanayaan rag kale, waxaan ka codsaday inuu i faafahiyo sababta isaga ka dhigtay magac u yaal islamarkaana i sheego cida xafiiskiisa kala wareegtay .

Wasiirka ayaa hadlkiisa ku bilaabay sidan. [ awood uma lahi in aan qaban qaabiyo shirar ama barnaamijyo ka turjumaya horumarka warbaahinta ka howlgasho jubaland, dhowr jeer oo hore ayaan isku dayay in aan abuuro barnaamijyo lagu hormarinayo laguna tayaynayo wariyaasha balse waxaa aan caqabad kala kulmay laba shaqsi oo ka mid ah masuuliyiinta ku sugan kismaayo ,kuwasoo kala ah ,C\naasir seerar maax iyo Macalin Maxamed oo isaga ah gudoomiyaha jabhada raaskaambooni. ,waxayna igu yirahdeen ma qaban kartid shir aan anaga ogayn, tasoo keentay in aan noqdo sida qof howl gab ah oo kale,
waxaa sidoo kale uu wasiirka ii sheegay in dhowr jeer oo hore uu gudbiyay warqad uu kaga cawanayo arintaas,islamarkaana uu u gudbiyay Axmed Maxamed Islaam madaxwaynaha maamulka jubaland.
Wasiir cabdi nuur ayaa sheegay in ilaa hada uusan jawaab ka helin madaxwaynaha maamulka jubaland,Waxaana rajo xuma uu ka muujiyay jiritaanka xafiiskiisa]

Lix maalmood kadib safarkaygii kismaayo waxaa qadka telefoonka aan kula hadlay wasiirka warfaafinta bal in aan heli karo cod ku saabsan xaalada meesha ka jirto ee ku aadan dhibaatooyinka haysto warbaahinta, waxaana ii suura gashay in aan helo cod gaaraya ilaa afar daqiiqo kasoo wasiir Cabdi Nuur uu ku muujinayo caqabada haysato isaga iyo wariyaasha ka howl galo magaalada kismaayo.
Hoos ka dhageyso codka wasiir cabdi Nuur Cali Aadan
Listen to “Wasiirka warfaafinta jubaland Waxaa shaqadayda igu haysto Seeraar iyo gudoomiyaha raaskambooni Macalin Maxamed. "Dhegeyso"” on Spreaker.

DHinaca kale qaar ka mid ah wariyaasha ka howl galo magaalada kismaayo ee xarunta ku meel gaarka u ah maamulka jubaland ayaa i sheegay in wasiirka iyo iyaga aysan samayn wax kulan ah ama is arag ah muda aad u fog balse mar walbo ay la kulmaan afhayeenka ururka raaskambooni C\naasir Seeraar iyo Macalin Maxamed .
mid ka mid ah wariyaasha oo diiday in magaciisa la sheego sababa xaga amaanka ah ayaa i sheegay in shirar ugu badan ay dhex maraan wariyaasha iyo macalin maxamed islamarkaana ay kala kulmaan amaro aad u adag ,sida in aysan diri karin warbixin aan la soo marin xafiiskiisa .iyo wixii cod ama wareysi ah ay ka qaataan afhayeen seeraar ,iyo in sidoo kale ay ka tanaasulaan in iyaga amar la,aantooda ay ka qayb galaan shirarka ay qabanayso wasaarada warfaafinta jubaland]
Sanadkan dhamaanaya ee laba kun lix iyo toban wariyaasha lagu xiray gudaha maamulka jubaland waxay kor u dhaafayaan ilaa 16 suxufi kuwasoo wakiil wareedyo u kala ah warbaahinta gudaha iyo mida dibada , wariyaasha la xiray waxaa ka mid ah Jaylaani Nuur Yuusuf oo ahaa saxafi madax banaan waxaa sidoo kale la masaafuriyay wariyayaal uu ka mid yahay Qadar Maxamuud Xareed oo jubaland wakiil oga ahaa ideecada voa,da laanteeda afka somaaliga.

Sidoo kale cawashada wasaarada warfaafinta jubaland iyo mida wariyaasha ka howl galo ismaamul gobaleedka jubaland ma ahan oo kali mid ka jirta gudaha maamulkaasi balse waxaa jira caqabada kale oo wariyaasha ay ka cabanayaan sida in la Musuq maasuqa deeqaha warbaahinta jubaland ay ka hesho dalka dibadiisa ,sida qalabka warbaahinta,tabarada,la shaqaynta warbaahinta caalamiga iyo iwm. qalab ka kooban kombiyuutaro, mp3 ,yada ay wariyaasha u isticmaalan xilliyada duubista oo tiradooda lagu sheegay ilaa afartan walxood oo ay ku deeqday haayad fadhigeeda yahay dalka ingisiiska ayaa loo isticmaalay si ka duwan sidii caadiga ahayd ee wax loo maamuli jiray ayadoo bixinta ama qaybinta qalabkaasi loo diiday in ay ka qayb gasho wasaarada warfaafinta ,islamarkaana la siiyay wariyaal ama warfidiyeena gaar ah
Qaar ka mid ah wariyaasha oo aan la hadlay intii aan waday baritaankaasi waxay i sheegen in musuq maasuqaasi uu sameeyay mid ka mid ah shaqaalaha bbc,da laanteeda afka somaaliga oo lagu magacaabo C\risaaq Xaaji Catoosh kasoo haayada ay u soo xil saaratay qaybinta alaabtaasi.

Mid ka mid ah wariyaasha ayaa igu waramay in balantu ay ahayd in alaabta la bixiyo xilli maalin ah,islamarkaana ay goob joog ka ahaato wasaarada warfaafinta jubaland,balse waxaa la bixiyay xilli habayn ah gaar ahaan abaaro labadii habeenimo xilliga saqda dhexe ee saacada geeska africa .
waxaa sidoo kale uu i sheegay in maalintii xigtay lagu war galiyay in alaabtii dib loogu celiyay xafiiskii haayadii soo dhiibtay……………………..]

Sidoo kale waxaan baaritaan aan ku samaynay xaalada ay ku sugan yihiin wariyaasha ka howl galo Jubaland tv oo isaga ah tv ku hadlo afka maamulka jubaland ayaan ku ogaanay xoga badan oo muhiim ah ilaa sadax suxufi oo ka mid ah shaqaalaha tv,ga jubaland oo aan la kulan intii aan kismaayo ku suganaa waxay i sheegen in xaalad adag ay ku shaqeeyaan oo ay ugu wayn tahay mushaar la,aan ,sida in aysan wax mushaar ah helin muda ku dhow hal sano ,islamarkaana ay haysato xaalad daruuf ah [ ma helno cuna wanaagsan ,waxaa nala siiyaa bariiska nooca safaari oo tayadiisa ay aad u hoosayso,qaabka loo karaiyay iyo waliba dhinaca dhadhanka oo aad u hooseeya ,tasina ay sabi karto nafaqa darro soo wajahdo wariyaasha ka shaqeeya tv,ga ,hadii ay sidaasi ku sii socto waxaa suuro gal ah inuu tv,ga hawada ka baxo sidaasi waxaa yiri mid ka mid ah shaqaalaha tv,ga .
hadaba hadii sidaasi ay tahay xaalada dhabta ah ee warfaafinta jubaland , waxaa dad badan ay is waydiinayaan su.aasha ah sidee loo heli karaa in warfaafin dhameystiran laga hergaliyo maamulka ku teedsan xuduudaha dalka uu la wadaaga kenya iyo itoobiya ?

su.aashaasi jawaabteeda waxaa bisha soo socto ee december aan u bandhigi doonaa qubaro ku xeel dheer arimaha saxaafada kuwasoo ku kala sugan gudaha iyo dalka dibadiisa.

karar rukow
investigative journalist
maxamedrukow@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.