Siijoogista Madaxtooyada iyo musharaxnimada Xassan Shiikh Maxamuud waa khalad huwan indha,adayg.

jim

Waxaan jeclahay in aan qormadaan cinwaanka sare leh oo aan la wadaagayo bulshaweynta Soomaaliyeed in aan ku bilaabo maahmaahda Soomaalida oo tiraahda(ISMOOG WELI AQLKII BAY ASLAYSAA).Waa haweeynay la furay oo aan dalqadahii iyyadu maqal oo intii saygeedii furiinku ka dhacay oo aan soo gaarin looga soo hormaray oo iyyada oo aqalkii aslaysa ama rinjiyeynaysa la arkay laguna yiri ereyada kor ku qoran.
Waxaan ku baranay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ee mudadu ka dhammaatay 10/09/2016 arimaha hoos ku qoran;

1-Waxqab la,aan aan wixii uu balan qaaday taako ka fulin sida;-
Amnixumo mareysa meeshii ugu sareysay ,18 weriye iyo 30 xildhibaan oo qaar isaga lagu tuhunsan yahay baa lagu laayey Xamar inta uu xilka hayey,shacbigana cidba ma tirakooban la laayey ama halaagsamahy.
2-Isbitaaladu waa lacag oo qofka xanuunsada meel uu u kaco oo caafimaad u aado malaha.
3-Iskuuladu waa lacag oo danyarta Illaah baa u maqan.
4-Maamulo is qaldan u samaysmay oo aan dawlada dhexe hoos imaan,bal eega Hiiraan iyo shabeelaha dhexe markii uu sanad ku dhawaad qoorta isku geliyey,ayuu ku wareejiyey Igad,aaway dadkii Soomaaliyeed iyo madaxbanaanidii qaranku?
5-Wuxuu ku fashilmay in uu Dalka doorasho ka sameeyo inta aan waqtigu ka dhammaan,intii uu lahaa kursiga sii joog oo hawlaha loo idmaday uu hagardaaminayey waqtiga ka sii dhammaanaya ma ka fakaray iyo qodobka 194 ee tastuurka?
Fadlan X Madaxweyne intaas nagu filan(enough is enough) adiga iyo risawasaarahaaga mar nadaaya ,musharaxnimadana ka tanaasula waan idin baranay,waqti danbe oo dhumana uma baahna shacbiga Soomaaliya,mida kale waa qiyaano Xassan wax ka og yahay baaqa Gobolada Waqooyi ka yimid ee IGAD ku socday iyo Siilaanyo oo la yiri Xamar buu ku soo socdaa,inta masuuliinta Soomaaliya lagu xiro Hargeysa see Siilaanyo u soo haweystay Mogadhishow? Ma toobadkeenay? Waxaan la fiirsan Karin afarta Madaxweyne ee na loogu talagalay in ay cadaw noo gacangeliyaan.Axsaabta iyo wax garadka ha ka banaanbexeen arintaas oo yaan marna loo dulqaadan ,Haddii kale Soomaaliya waa ku daysay oo inta maamul hadda jirta bay u kala go,aysaa,waxaana ku xigta in cadawgeedu saas kula wareedgo. Tusaale ii marqaati furay waa kartoonka Madasha ee Amiir Caamir Arts,fadlan raaciya qoraalkaanWabilaahi Tawfiiq/Cabdullaahi Jimcaale Faarax.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.