Madaxweyne Kuxigeenka Puntland oo Duleedka Goldogob kula kulmay Saraakiil Itoobiyaan ah

Madaxweyne Kuxigeenka Puntland C/xakiin C/llaahi Xaaji Cumar Cameey ayaa Maanta gaaray Magaalada Goldogob ee Galbeedka Gobolka Mudug,waxaana halkaa ku soo dhaweeyay Odayaasha Degmada Goldogob, Degmada Goldogob ayaa sidoo kale waxaa ku Xaniban illaa 30 Gaari oo ah kuwa Xamuulka qaada,iyadoo Mudo Labo Maalin ah ay halkaa ku xaniman yihiin ka dib Amarkii ka soo baxay Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland.

Madaxweyne Kuxigeenka Puntland ayaa Degaanka Tuur-dibi oo ku yaalla Xadka Soomaaliya iyo Itoobiya ee Gobolka Mudug kula kulmay Saraakiil Itoobiyaan ah,waxaana ay ka wada hadleen Arrimo ay ka mid yihiin Amniga iyo Ganacsiga Puntland iyo Itoobiya dhexmara.

Madaxweyne Kuxigeenka Puntland ayaa Gobolka Mudug ku sugan tan iyo 21-kii Bishii hore oo Qaraxyo is xig xiga ay ka dhaceen Xarunta Dowladda Hoose ee Magaalada Gaalkacyo ee Puntland.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.