XOG: Dadaalo,lagu soo,deynaayo Wariye Jeylaani Xuseen Yuusuf oo kismaayo ka socda

Xilli saaka askar katirsan Maamulka Kismaayo ay xireen wariye Jylaani xuseen Yuusuf ayaa waxaa socda dadaalo lagu soo deynaayo wariyaha.

Wasiiro katirsan Maamulkaas iyo xildhibaano ayaa wada dadaalo xoriyadiisa dib loogu soo celinaayo walow wali uu kuxiranyahay.xarunta.nabad sugidda ee Maamulkaasi.

Jeylaani Xuseen.Yuusuf ayaa ka hawl gala idaacadda kulmiye ee Magaalada Muqdisho walow safar fasax uu halkaasi ku joogay bilihii lasoo dhaafay.

Wariyaha ayaa saaka laga dhexwaday saminaar hayadda UNSOM ay ka furtay magaalada kismaayo.

Qaar kamid ah Warfidiyeenada ka.hawlgala kismaayo ayaa wada dadaalo ay wasaaradda warfaafinta ku cadaadinayaan in wariyaha uu xoriyadiisa dib u helo.

Wasiir kuxigeenka Warfaafinta ee Jubbaland Mudane Dacar ayaa dhiniciisa sheegay in wariyaha si degdeg ah xoriyadiisa loo siin doono.

Maamulka Axmed Madoobe ee Kismaayo ka arimiya ayaa caadeystay tacadiyaha ka dhanka ah xuquuqda hadalka iyo midda bini’adamnimada taasi oo had iyo jeer keenta in bulshada deegaanadaas ku,nool ay,ahaadaan dhib u noolayaal aan haysan fursad ay xoriyad ugu shaqeystaan kuna noolaadaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.