DEGDEG: Dagaal Toos ah oo udhaxeeya laba Maleyshiyaad oo Baladxaawo,ka qarxay Saaka.

dagaal

Dagaal socday Muddo saacad ah ayaa saaka.waabarigii ka qarxay Degmada Baldxaawo ee Gobolka Gedo. Dagaalka ayaa u dhaxeeyey laba maleyshiyo Beeleed oo Degamadaasi,kusugan kuwaas oo,mid.kamid ah ay daacad u tahay.Wasiirka Amniga ee Jubbaland Cabdirashiid Indhakoreey halka kuwa kalane ay yihiin Maleyshiyaad horay Degmada ugu sugnaa.

Dagaalka ayaa salka ku haya is rasaaseyn uu hal askari ku dhintay oo shalay isla ciidamadani ku dhexmaray Gudaha Degmadaasi.

Dagaalka ayaa hadda joogsaday walow wali baladxaawo ay rimantahay colaad horleh.

Dhamaan shaqaaqooyinkani ayaa salka ku haya isbadalkii dhinaca Maamulka ee Degmadaasi,ka.dhacay dhowr maalmood kahor.

Maamulkani cusub ayaa kaalin mugleh kuleh hurinta colaadani isaga oo la safan dhinac kamid ah dhinacyada isku haya Maamulida Degmadani Baladxaawo.

1 Comment

  1. iniga ayaba colada qeyb ka ah web xun ina furateen bad rabtaan rer Gedo ina jifojifo ukala qeybisan raga laga saray ayaa rabsha waday wana laqabqabtay ciil qaba sida utagersatihin wan arkaaa

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.