FAAFAAHIN: Dagaalkii Duleedka Buurdhuubo ka dhacay oo soo gabagaboobay, iyo Askari katirsan Dowladda oo Nolasha lagu qabtay.

Dagaalkii u.dhaxeeyey Ciidamada Dowladda iyo kuwa Alshabaab ee ka dhacay Tuulada Suriyo ee hoostagta Degmada Buurdhuubo ayaa soo gabaganowday.

Dagaalka.oo dhowr saacadood socday ayaa.sababay Khasaare.isugu jira.dhimasho iyo dhaawac soo, kala gaaray labada Dhinac.

Saraakiisha Dowladda ayaa sheegaya in Dagaalkani ay guulo kasoo,hoyiyeen Alshabaabne ay Khasaare u,geystay,iyagoo sheegay ku.dhawaad 5 askari in ay shabaabka.ka.dileen.

Balse.afhayeen.u,hadlay.Alshabaab Cabdicasiis abuu muscab ayaa.warbaahinta afkooda ku hadasha ee gudaha.u.sheegay in ciidamada dowladda ay.askar.farabadan.ka.dileen sida uu hadalka u dhigay.

Marka laga.soo,tago.sheegashada.dhinacyada ay guulaha kala.sheeganayaan, wararka Madaxa.banaan ee aan Suriyo ka.heleyno,ayaa.sheegay in dhinacyadu ay khasaare is gaarsiiyeen, inta la xaqiijiyeyne Ciidamada Dowladda ayaa dagaalka looga dilay hal askari, laba kalane laga dhaawacmay, halka hal askari,noolasha looga qabtay oo ay alshabaab gacanta ku hayaan, iyadoo dhinaca Shabaabkane askari looga dilay Dagaalka, xilli deegaanka lagu dagaalamay.ay Alshabaab maamulayaan.

Maalmihii laso dhaafay ayaa degmada Buudhuubo.ay ciidamada Dowladda kawadeen Abaabulo Dagaal.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.