XOG: Axmed Madoobe oo amaray in Canshuur joogta ah laga qaado Dadka Dagan Xaafadda Guulwade ee Magaalada Kismaayo.

madoobe

Malinimadii shalay waxaa Magaalada Kismaayo kulan ku yeeshay Axmed madoobe iyo xubnaha Golihiisa Wasiirada, kuwaas oo ka dooday qodob ku saabsan hanaanka Xaafad kamid ah Xaafadaha Kismaayo canshuur looga qaadi lahaa.

Xaafadda Guulwade oo ah xaafadda ugu weyn uguna bilicda Qurxoon Magalada, ayuu Axmed madoobe golihisa ka horsheegay in ay muhiim tahay in cansuur dhaaf laga qaado, arintaas oo aysan jirin cid golaha kamid ah oo dood ka keentay.

Madoobe ayaa sheegay in guulwade ayba tahay dhul qaran oo la dhistay sidaas awadeed ay muhiim tahay calaa guri in laga qaado shan kun oo dollar.

khubaro u dhuun daloosha Siyaasadda Axmed Madoobe ayaa ku tilmaamay Sababta ka dambeysa canshuur qaadistani ku saabsan Guulwade oo kaliya in ay tahay Cadaadis la cadaadinaayo bulshada xaafadaasi ku dhaqan oo hal heyb kasoo wada jeeda, waxaana uu cadaadiskaas gooniyaad Axmed madoobe uga goleeyahay sidii uu u kala dhantaali lahaa duufaanada Siyaasadeed ee kaga soo furmay Nairobi ee u dhaxeeya Beesha Sade iyo Dowladda kenya oo uu markii hore axmed madoobe ku tiirsanaa.

Xiriiro aan la sameynay Dadka Deegaanka Guulwade ayey ku warameen in ay Maqleen Qorshayaasha ay wataan Axmed Madoobe iyo Xertiisa, balse aysanba u arag arin ugub ah oo awalba xaafadaha Kismaayo ay xaafadooda Bartilmaameed ka aheyd.

Guulwade ayaa ah Xafadda ugu dhismaha Qurxoon Xaafadaha Magaalada Kismaayo, waxaana dadka deegaanka ay sheegayaan in loo quuri la’yahay qaab nolaleedka uu eebe ku maneysta.

Sikastaba qorshaha Axmed Madoobe ee ku saabsan in canshuur joogta ah laga qaado Xaafadda Gulwade ayaan la ogeyn qaabka uu ku hirgali karo, iyadoo saraakiisha ka tirsan Maamulkiisa ee Xaafadaas bulshada dagta ku haybta ahne aysan jirin cid ka hadashay arimahani soo cusboonaaday.

1 Comment

  1. Warkaasu haduu runyahay waxaan umalaynayaa wadaadku dharka wuu qabaa laa kiin xagamaskaxda wax baa udhiman ee haladaweeyo Waryaa soomaaliya warninku intuusan dharka dhigan haloo gargaaro.

Leave a Reply to Ladan yusuf Cancel reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.